Colaadaha Southsudan Oo Laba Jirsaday

0
394

Laba sano ayaa laga joogaa tani iyo markii dagaalka uu ka bilowday dalka South Sudan. Hay’daha gargaarka waxa ay ka digayaan in cunto yari aad u daran ay dalkaasi soo wajeheyso, waxayna dalbanayaan in tallaabo degdeg ah laga qaado dembiyada dagaalka eek a taagan dalkaasi. Inkastoo heshiis nabadeed bilo ka hor la saxiixay si qalaasaha loo soo afjaro, hadana hal milyan iyo bar qof ayaa guryahooda ka qaxay. Waxaana la filayaa in roobab yar oo dalkaasi ka da’a isbuucyada soo socda ay sababaan dhibaatooyiin badan. Tirade dadka gaajeysan aad ayay u badan tahay. Ku dhowaad afar milyan oo qof ayaa waxaa haysto “cunno yaraan aad u daran” sida ay qaramada midoobeey sheegtay.
 
Taasi waa qiyaasta seddax meelood meel ka mid ah bulshada dalkaasi ku nool. 30 kun oo qof ayay gaajo ba’an haysaa, waxayna hal dhibic ka hooseeyaan heerka macluusha, arrintaas ayaana ka dhalatay dagaallada oo sii socda iyo roobab wanaagsan oo aan Koofurta Sudan ka di’in. Tani iyo markii muran siyaasadeed uu isu badalay dagaal laba sano ka hor, madaxweynaha iyo kuxigeenkiisii hore waxa ay awoodi la’yihiin inay ixtiraamaan heshiiska nabadda. Dagaalka waxa uu 185 kun oo qof ku qasbay inay xeryaha Qaramada Midoobeey megengelyo u galaan. Dadka cusub ee xeryahaasi gaaraya waxaa hayso nafaqo la’aan daran, cudurkana wuu baahsan yahay. Waxaa sidoo kale jiro dil iyo kufsi iyo dembi kale oo alaaba ka dhaca dalkaasi, waxaana lagu baaqayaa in si buuxda loo baaro arrintaasi.
 

Leave a Reply