“Ma Dhici Doonto In Dilka Saraakiisha Ciidammadda Ay Ka Wada Hadlaan Laba Reer”

0
321

Hargeysa(Dawan):-Xukuumadda Somaliland ayaa si adag uga hadashay tallaabada ay ka qaadanayso dilka ka dhex dhaca ciidanka gudihiisa isla markaana caddaysay halka ay ka taagan tahay dilkii  taliyihii Ciidanka Birmadka gobolka Saaxil oo dorraad Alle ha u naxariistee  Xidigle Aadan Guuleed Daahir  oo uu toogasho ku dilay Askari boolis Cabdirisaaq Maxamed Khayre,
Wasiir ku-xigeenka Amniga daakhiliga Maxamed Muuse Diiriye oo wargeyska Dawan  Xalay khadka telefoonka ugu waramay,ayaa meesha ka saaray in dilalka ciidanka gudihiisa ka dhaca ay xallin doonaan ama ka wada hadli doonaan laba qoys ama reer.
 
“Sarkaalka Berbera lagu dilay waxaa dilkiisa geystay askari ciidanka ka tirsanaa gacanta waa lagu hayaa maxkamaddii ciidankuna way xukuntay,  sharciga ayaana  la marinayaa qaranka ayaana dhibane  ka ah oo uu sarkaalku ka geeriyooday,askariga dilka geystayna sharcigaa la horkeenayaa  oo la mariyanaa,”ayuu yidhi Wasiir Maxamed Muuse.
 
Wasiirka oo ka jawaabayay  waxa Xukuumad ahaan uga meel yaalla taliyaha la dilay haddii ay heshiis diyo kala qaadash  ah ay wada gaadhaan reerka uu ka baxay iyo beesha gacan ku dhiigluhu ka soo jeedaa,waxaanu yidhi   “Horta  waxa la dilay waa sarkaal ciidan oo qaranka ka dhintay. qaranka ayaana dhibane ka ah,lama diidana in uu sarkaalku reer ka soo jeedo oo uu qoys iyo beel ka dhashay laakiin sida qofka shicibka ah laba reer iyo cuqaal ay uga wada hadlaan looga wada hadli maayo. waa askari ciidan oo dalku leeyahay oo sarkaal u ah markaa aanay saamayn ugu yeelan qaranimada dilalka ciidanka ee labadii sanno ee  ugu dambeeyay dalka ka dhacay, si  jiritaanka ciidanka dalku u noqdo mid qaran  waa in dilka saraakiisha iyo guud ahaan ciidanka cidda disha sharciga la mariyaa oo loo qisaasaa haddii kale diyada reeruhu kala qaadanayaan waxay dhaawacaysaa kalsoonida ciidanka.”
By:Faysal Xiis Weerar(Afgaab)
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply