Wakiilka Somaliland u Fadhiya Paris Oo Sheegay In Cilaaqaadka Somaliland Iyo Faransiisku Uu Cago Adag Ku Taagan Yahay

0
304

Hargaysa (Dawan): Safiirka Somaliland u fadhiya magaalada Paris ee caasimadda wadanka Faransiiska danjire Cali Ismaaciil Xasan, ayaa sheegay in idhiidhka u dhexeeya Somaliland iyo dawladda Faransiiska uu yahay mid aad u wanaagsan isla markaana  Faransiisku uu yahay wadanka keliya ee  saddex  jeer madaxweyneyaal ka socda  Somaliland  ay booqashooyin heer sare ah ku tegeen. Waxaanu tilmaamay in booqashooyinkaasi  iyo qaabkii madaxweyshaasha Somaliland loogu soo dahweeyay faransiiska  ay muujinayaan  tixgelinta ay dawladda Faransiisku u hayso Jamhuuriyadda Somaliland iyo heerka uu taagan yahay  xidhiidhka u dhexeeya labadda dal. Danjire Cali Ismaaciil Xasan, oo magaaladda Hargeysa ugu waramay wargeyska DAWAN  isagoo ka qaybglay shirkii safiirada Somalialnd u fadhiya wadamada dibada ee  dhawaan lagu qabtay caasimadda Hargeysa. Waxa kale oo uu  rejo fiican ka muujiyay go’aamadii ka soo baxay shirkii  dhawaan loo qabtay danjireyaasha dawladda Somaliland u fadhiya wadamadda dibadda, kaasi oo dabayaaqadii todobaadkii hore la soo gebagabeeyay.
 
Cali Ismaaciil Xasan, oo ka hadlayay safaaradda iyo mudada ay shaqeynaysay waxa uu yidhi  “Safaaradda Somaliland ee Paris waa safaarad muddo soo jirtay, nasiib-na aan u yeeshay in aan safiirka noqdo. Haddii aan dib ugu  noqdo safaaradda iyo taarkhiideedda,  safaaradda  waxaa la furay sanadkii 2007-dii, markii la furay ilaa  mudadaana waan joogay. Waxaanan ku faanaa, in aan ahay safiirkii u horeeyay ee si rasmi ah saddex wefti oo madaxweyneyaal Somaliand ah dalka  Faransiiska geeyay safiirka keliya ee geeyay in aan ahay. Ia  isma qariyo, taasina aad ayaan ugu faraxsan ahay, umadda Somaliland-na way iiga mahad celisay”.
 
Waxaanu intaasi ku daray  “Haddii aanay dawladda Faransiisku  Somaliland   danaynaynin  saddex jeer ma ogolaateen in weftiyo ay hogaaminayaan madaxeyneyaal Somaliland ka socdaa dalkooda ma yimaadeen. Saddex  jeer oo laba jeer uu yimid madaxweynihii hore Daahir Rayaale Kaahin iyo markii saddexaad oo uu madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo iyo wefti uu hogaaminayaa ay  yimaadeen,  inagamaba aqbaleen in  dalkoodda  wefti heerkaas ah ay tagaan.
Iyadoo weliba  ay muuqaal sare lahayd booqashadii   uu madaxweyne Siilaanyo ku yimid magaalada Paris, oo la wadda ogaa in calankii Somaliland iyo ka Faransiiska iyo calanka shirkadda Blorre  meel qudha laga wada saaray.
 
Madaxweynahana  la wadda arkayay in markii uu soo degay ay hor-galeen sida  madaxweyneyaasha kaleba ee caalamkaba Mootooyinka weftiyadda madaxweyneyaasha hor-galla iyo ciidamadda amaanka.  waxaanan filayaa in  ay taasi noqonayso markii u horaysay oo Somaliland intii madaxweyneyaal soo maraysay sidaas  dal kale  loogu soo dhaweeyay, taasina anigu sharaf ayaan ku hellay” ayuu yidhi danjirre cali.
 
 
Sidoo kale, Danjiraha Somaliland u fadhiya magaaladda Paris oo aanu waydiinay sida uu u arko shirkii afarta maalmood  uga socday safiiradda Somalialnd u jooga dalalka dibadda oo todobaadkii hore la soo gabagabeeyay iyo  go’aamadii ka soo baxay.   Waxaanu   yidhi “Waa arrin aad u fiican, waxyaabaha ka soo baxayna, waxaan rejaynayaa in ay noqon doonaan kuwo wax-tar u leh dalka iyo dadka Somaliland gaar ahaana,  anaga (safiirrada)  mid noo noqota faa’iido lagu tallaabsaday ayaan rejaynayaa”.
 
 
Dhinaca kale danjire  Cali  waxaanu wax ka waydiinay inay ka safaarad ahaan wax lug ah ama door ah ku lahaayeen shirkii heerka caalami ahaa ee laaga hadlayay is-bedelka cimiladda aduunka ee dhawaan lagu qabtay magaaladda Paris ee caasimadda Paris.  Shirkaasi oo ay  ka qaybgaleen xubno ka socday ururada maxaliga ah ee ka jira Somaliland ee ka shaqeeya arrimaha degaanka,  waxaanu sheegay in aanay Somaliland si toos ah kaalin ugu lahayn shirkaasi  maadaama oo aanay weli beesha caalamka ka helin aqoonsi buuxa, hase yeeshee ay Somaliland si dad-ban  ula socotay shirkaasi iyo waxyaabihii lagaga hadlayay, gaar ahaana safaaradda Paris.
 
 
Waxaanu yidhi “Shirkaasi wuxuu ahaa shir  heer caalami ah, shir  caalami ah haddii uu yahay-na,  mar haddii aan Somaliland la aqoonsanayn door muuqda kuma yeelan karto,  laakiin si dad-ban oo kor-joog ah ama (observation)  ah ayay dawladda Faransiisku iyagoon shaacin  ayaan shirka uga qaybgalnay, anigoo xogta shirkana la socday.
 
Waxaanay ahayd arrin aad aduunka  uga yaabisay, oo noqotay markii u horaysay oo go’aan wada jir ah, wax ka soo bixi doona ALLAA  garan’e,  laakiin 195-kii wadan ee isugu yimid-ba  inay qodobadii  qalinka ku wadda duugeen, oo ay dalka Faransiiska u noqotay himillo weyn, isagoo ku wanaagsan go’aan qaadashadda, sharciyadda adduunkana inta u badan isagu sameeyay oo lagu xasuusto.  Taninna  way ugu biirtay taariikhda iyo sumcadda uu Faransiisku ku leeyahay caalamka.  Aniguna  safiir ahaan anigoo metelaya Somaliland guushaa waan la qabaa dawladda Faransiiska.”
By: Khadar  Cabdi Muuse
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply