Wasaaradda Boosaha Iyo Wakiiladda Oo Ka Wada Hadlay Caqabadaha Hortaagan In La Isku Xidho Shirkadaha Isgaadhsiinta

0
369

By: Jamaal C/raxmaan Macalin

Hargaysa (Dawan) – Guddi hoosaadka dabo-galka iyo daryeelka hantida qaranka ayaa waxay kulan la yeesheen masuuliyiinta wasaaradda boosaha iyo isgaadhsiinta Somaliland oo uu hoggaaminayay  Wasiirka wasaaraddaasi  Maxamed Jaamac Abgaal. Kulankaas ayaa markii uu  dhammaaday waxa arrimihii laga wada hadlay sharaxaad ka bixiyay gudoomiyaha guddidaas xildhibaan Maxamed Cali Xirsi iyo Wasiirka Boosaha iyo Isgaadhsiinta Maxamed Jaamac Abgaal.

 “Waxaanu kulan la yeelanay masuuliyiinta wasaaradda boosaha iyo isgaadhsiinta oo uu horkacayo Wasiirka wasaaradaas. Waxaanu ka wada hadalnay waxyaabihihii u qabsoomay wasaaradaas iyo wiixii aan u qabsoomin, maadama oo aanu doonayno in aanu dhawaan wasaaradaas warbixin dheer ka soo saarno,”ayuu yidhi Xildhibaan Maxamed Cali Xirsi.

Maxamed Cali oo ka hadlayay qoddobadii ay ka wada hadleen masuuliyiinta Wasaaradda waxa uu yidhi “Waxaanu kala hadalnay Sababta ay wali iskugu xidhmi la’ayihiin shirkadaha isgaadhsiintu si sharci ah oo xeer leh muddo laba sanno ah in aanu dib u eegis ku samayno sababta ay ilaa hadda u dhici la’adahay in ay isku xidhmaan shirkadaha kala duwan ee isgaadhisiinta. Waa arrin dastuuri ah in wixii xeer ah ee dalka ka soo baxa sidooda loo fuliyo markaa waxaanu wasaaradda ka wada hadalnay sababta ay u suuro geli la’adahay illaa hadda in ay isku xidhmaan shirkadaha isgaadhsiintu muddo sadex sanno ah. Wasaaradda waxaanu isla qaadanay in laga wada shaqeeyo sidii xeerkaasi u dhaqan geli lahaa arrimahaasina ay noqdaan qaar hirgala.”

Guddoomiyaha guddidan ayaa waxa sheegay kulankaas wasaaradda iala meel dhigeen in ay kala shaqeyn  doonaan wixii shuruuc ah ee wasaaraddu Golaha uga baahdaan.

Wasiirka wasaaradda boosaha iyo isgaadhsiinta  Maxamed Jaamac Abgaal, ayaa isna dhankiisa waxa uu ka hadlay kulankaas ay la yeesheen guddida ilaalinta  iyo dabo-galka hantida qaranka, waxaanuu yidhi “In la kulmaa waa arrin sharci ah, guddida  si fiican baanu isku af-garanay, waxaanuna isla qaadanay in arrimihii aanu ka wada hadalnay oo dhan si wada jir ah uga wada shaqayno .Annagoo ixtiraamayna saxaafada waxa habboon in cid waliba isa saxdo, warbaahintana waxaan u soo jeedinayaa in wixii runta ah  la sheego.”

Wasaaradda boosaha iyo goleyaasha sharci dejinta ayaa waxay mud saddex sanno ah ka wada shaqaynaayeen sidii bulshada Somaliland oo baahi weyn u qabta in ay si sahlan u wada adeegsan karaan khadadka shirkadaha kala duwan ee dalka, inkasta oo xeerar arrintaas laga soo saaray hadana wali may hirgalin.

Leave a Reply