Guddi Wasiirro Ah Oo Madaxweyne Siilaanyo U Magacaabay Isku-socodka Somaliland Iyo Soomaaliya Oo Shirkoodii U Horeeyay Ku Yeeshay Hargeysa

0
369

“In Laga Hadlo Isu Socodka Labada Wadan, Waxa keenay Nabad-gelyada Iyo Duruufaha Jira,Wixii Aanu Ka Hadalnayna Waxaanu u Gudbinaynaa Madaxweynaha Somaliland”

Hargaysa (Dawan):- Guddi uu dhawaan Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamud (Siilanyo) u Magacaabay, isu socodka labada Wadan ee  Somaliland iyo Soomaaliya, ayaa  shalay  kulankoodii u horeeyay ka dhacay, Xafiiska Wasiirka Wasaarada Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka, Cismaan C/laahi Saxardiid (Cadaani).

Shirkan oo ay ka soo qeyb  galeen Wasiirrada Wasaaradaha, Arrimaha Gudaha, Dib u Dejinta, Qaar ka mid ah Masuuliyiinta Shirikadaha Diyaaradaha, iyo Arrimaha Dibadda, Shirkaas  oo uu gudoominayey Wasiirka Wasaaradda Arrimaha  Dibada Dr. Sacad Cali Shire, ayaa waxaa ka maqnaa Wasiirrada Maaliyada, iyo Caafimaadka oo iyagu ka mid ahaa Guddiga, labadan Wasiir ayaa kulankaa uga baaqsaday hawlo shaqo oo Qaranka u hayeen.

Shirkaasi  markii uu dhammaaday waxa ka war bixiyey, Wasiirka Duulista Hawadda, waxaanu yidhi “Waxaanu shir  ku lahayan maanta Wasaaradda Duulista iyo hawadda, haddii aanu nahay Guddi uu dhawaan Madaxweynuhu u magacaabay isu socdaka Labada wadan ee Somaliland iyo Soomaaliya, shirkan oo uu gudoominayey Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibada Dr. Sacad Cali Shire, Wasiirkii Wasaaradda Dib u Dejinta Cali Siciid Raygal, Wasiirkii Wasaaradda Arrimaha Gudaha Cali Maxamed Waran-cadde  uu joogay.  Wasiirka Caafimaadka Dr.  Saleeban Xagla toosiye, iyo Wasiirka Maaliyada Samsam Cabdi Aadan oo ka mid ah guddigan ayaanay u suuro gelin maanta in ay noo yimaadaan.”

Wasiirka Duulistu waxa uu sheegay in qoddobadii ay ka wada hadleen Guddi ahaan ay u gudbinayaan Madaxweyne Siilaanyo, waxaanu yidhi  “Waxaanu ka wada hadalnay sidii isu socodku u wanaagsanaan lahaa, haddii ay Ganacsi tahay iyo haddii ay socdaalada tahay-ba, Ammaanka iyo Nabad-gelyadana loo sugi lahaa, arrintaa qoddobo ayaanu ka soo gaadhnay, qodobadaasna waxaanu u gudbin doonaa, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane  Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo). Shirkan Gudigii uu Magcaabay Madaxweynuhu si fiican ayuu ku dhammaaday, Wasiirka Gudooominayey iyo Wasiirrada kaleba aad ayaan ugu mahad naqayaa.”

 “In laga hadlo isu socodka labada Wadan, waxa keenay Nabad-gelyada iyo duruufaha jira, waxaanu jecelahay in ay labadaas dal noqdaan laba dal oo kala madax-banaan, oo isu socodkoodu fiican yahay, ummadahooduna ay yihiin laba Shacab oo walaalo ah, Nabad-gelyaduna ay noqoto mid la adkeeyo, oo aynu ahaano Somaliland iyo Soomaaliya xidhiidhkaasina sidaa uu  ku koro,”ayuu yidhi Wasiir Caddaani.

Leave a Reply