“Wadar Ahaan Lixdii Bilood 2015-ka Waxa Hargeysa Ka Dhacay 162 Kiis Oo Kufsi Ah”

0
325

By: Jamaal C/raxmaan Macalin

Hargeysa (Dawan) – Agaasimaha guud ee wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada Maxamed Faarax Xirsi,  ayaa daboolka ka qaaday in falalka kufsigu uu sare u kacay lixdii bilood ee ugu dambeeyay sannadkan sii galbanaya ee 2015-ka, waxaanu tilmaamay in magaaladda Hargeysa oo kaliya uu ka dhacay  lixdii bilood ee la soo dhaafay 162 kiis oo kufsi ah.

Agaasimaha Guud waxa uu sidaas ka sheegay mar uu shalay warbixin ka jeediyay fadhigii Golaha Wakiiladda  ee shalay oo uu shir-gudoominayay Guddoomiye Ku-xigeenka aqalkaas Baashe Maxamed Faarax. waxaaoo uu horyaallo xeerka xakamaynta kufsiga.

 Agaasimuhu waxa uu ugu baaqay xildhibaanada Golaha inay ansixiyaan xeerka kufsiga ee horyaalla.

  “Caasimada Hargeysa bishii June  waxa ka dhacay 21 kiis oo kufsi ah, July waxa dhacay 23, Augost  waxa dhacay 22 kiis, September 23 kiis, November 41 kiis, December oo aan wali dhammaana waxa uu marayaa 32. Wadar ahaan lixdii bilood ee ugu dambeeyay oo kaliya waxa Hargeysa ka dhacay 162 fal oo kufsi ah. Tiradani waa caasimada oo kaliya. kuma jiraan degmooyinka hoos yimaadaa,”Ayuu yidhi Agaasimaha wasaaradda shaqadda iyo arrimaha bulshaddu.

Maxamed Faarax waxa uu sheegay in xogtaasi ay tahay xaqiiqo ah, isagoo ka hadlaya meelaha kale ee laga heli karo haddii loo baahdo waxa uu yidhi “Xogtan waxa si rasmi ah looga helayaa xarumaha kala ah, qeybta tacadiyada u qaabilsan wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshadda, xarunta caafimaadka ee Baahi koob oo ku dhex taala cusbitaalka guud ee magaalada Hargeysa, xarunta dambi baadhista iyo xeer ilaaliyaha guud.”

Agaasimaha wasaaradda shaqaddu  waxa uu Golaha Wakiiladda ku booriyay in baahi weyn loo qabo xeer lagu xakameeyo mushkiladdan saamaynta foosha  xun leh, waxaanu yidhi   “Xeerkan waxa looga dan leeyahay in aanay dib u dhicin in aan inanta loo guurin ciddii kufsatay, in xeer ciqaabeed la mariyo ciddii falkaas ku kacda, si aanay dib ugu dhicin. In dalku helo sharci rasmi ah oo arrintaas foosha xun wax lagaga qabto si loo badbaadiyo bulshadeenna inteena nugul.”

Gudoomiye ku-xigeenka kowaad ee golaha wakiilada yaa waxa uu xildhibaanada golahaas ku canaantay in aanay ka intoodii badnayd ka soo qeyb galin dood loo balansanaa in lagu lafa-guro xeerka kufsiga, balse halkeedii lagu bedalay in warbixin lagha dhegaysto agaasimaha guud ee wasaaradda shaqadda iyo arrimaha bulshadda. Kufsiga ayaa waxa ka mid yahay waxyaabaha dhibaatada ku haya bulshadda, waxaana loo baahan yahay in si wada jir ah looga wada hawl galo sidii wax looga qaban lahaa.

Leave a Reply