Shaqaalaha Dawladda Somaliland Oo Laga Fasaxay Shaqadda Munaasibadda Mowliidka Nabiga NNKHA

0
313

Hargeysa (Dawan) – Gudoomiyaha Hay’adda shaqaalaha Somaliland  Prof. Maxamed Mixiile Boqorre ayaa ku dhowaaqay in maalinta Arbacadda  oo ah  munasibada Mowliidka Nebiga CSW ay fasax yihiin dhammaan shaqalaha dawladda, iyadoo shaqaddana lagu soo noqon doono maalinta Khamiista ah.

Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha dawladda Prof Maxamed Mixille Boqorre waxa uu sidaasi ku sheegay war-saxaafadeed  oo uu shalay soo saaray oo u qornaa sidan:-

“Guddoomiyaha hay’adda shaqaalaha dawladu wuxuu ku war-gelinayaa dhammaan masuuliyinta wasaaradaha iyo hay’daha dowliga ah inay shaqaalaha dowladda ay fasax yihiin shaqaada maalinta Arbacada ah, oo munasibadda dhalashadii nabibigeenna CSW taariikhda Rabiicul Awal 12/03/1437 hijriyada oo ku began 23/12/2015 ee miilaadiga.

Haddaba,  guddoomiyuhu waxa kale oo uu halkan uga hambalyaynayaa madaxweynaha JSL iyo marwadiisa, madaxweyne ku-xigeenka iyo marwaadiisa iyo dhammmaan shaqaalaha dowladda, xaasaskooda iyo caruurtooda munaasibadda dhalashadda nebigeenna suubaan CSW naxariis iyo nabad gelyo korkiisa ha ahaatee awgeed, waxaanu uu rajaynayaa in aynu ku gaadhno bishan bisheeda bash bash, badhaadhe iyo nabadgalyo JSL, hesho haddii uu EEBE  raali ka noqdo.”

Leave a Reply