Madax Dhaqameedka Sool iyo Buuhoodle Oo Baaq Nabadeed U Diray Beelo Shaqaaqo Ku Dhex-Martay Degaanka Bali-Xasan

0
389

Buuhoodle (Dawan): Ergo madax dhamaqameed ah oo uu hogaaminayo garaad jaamac  garaad Ismaaciil Ducaale, oo ay wehelinayaan  garaad C/risaaq garaad Soofe Duraan, suldaan Siciid Cismaan Cali iyo garaad Saleebaan Buraalle,  cuqaal, culimo aw-diin iyo  waxgarad ka soo jeedda  goboladda Buuhoodel iyo Sool ayaa   baaq nabadeed u diray beelaha walaalaha ah ee dhawaan shaqaaqadu  ku dhex martay  degaanka Bali-xasan oo ka tirsan dhulka dawlad degaanka Soomaalida ee Itoobiya.
Waxaanay garaadadaasi labadda beelood u soo jeediyeen in ay colaadda joojiyaan  kana  shaqeeyaan sidii xaaladda nabad loogu soo dabaali lahaa, isla markaana  ay degaankaasi ugu wada noolaan lahaayeen si nabad ah. Ergadan Garaadadda, salaadiinta, cuqaasha iyo odayaasha beelaha Buuhoodle iyo Sool, oo shalay warhaabinta kula hadlay meesha la yidhaahdo Dhar-kayn Geenyo oo ka tirsan gobolka Buuhoodle ayaa sheegay in ay u amba-baxeen  sidii ay qayb uga qaadan  lahaayeen deminta beelihii dhawaan ay dirirtu ku dhex martay degaanka Bali-Xasan.
Garaad  C/risaaq garaad Soofe Duraan, oo ugu horayn halkaasi ka hadlay ayaa ugu baaqay  beelaha walaalaha ah ee dhawaan halkaasi ku dagaalamay in ay arrinta nabad ku soo dabaalaan. Waxaanu sheegay labada beelood ay yihiin  walaallo, isku degaan ah, isla markaana Ab iyo ehelba wanaaga.
Garaad Soofe, oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Waxaanu halkan  baaq uga diraynaa dhibaatadii dhex martay beelaha walaalaha ah ee  ka dhacday meesha la yidhaahdo Bali-Xasan. Waxaananu  ugu baaqaynaa dadka walaalaha ah ee halkaa isaga hor yimid, ee Dhul-bahante iyo Habar Yoonis qaybo ka mid ah,  xabadda hala  joojiyo, waayo labadaa reer waa laba reer oo walaalo ah, waa laba reer oo deris ah,  waa laba reer oo isku wanaagsan.
Runtii  manaanaan filaynin maanta xabadaasi,  aad iyo aad ayaananu u dhibsanay,  waxaanu leenahay dagaalka hala joojiyo,  waxaanu leenahay caqligu ha shaqeeyo,  waxaanu leenahay hala isku  yimaado.”
Waxaanu intaasi ku daray “Annagu sidaas aad arkaysaan ayaanu isimo ahaan u amba-baxsanahay,  meeshii shaqaaqadu ka dhacday ayaanu u soconaa, nabadgeliyo ayaanu ugu soconaa, labadda reer-ba in aanu u odayayno, oo  aanu qaladka ka qabano, oo qoladda Dhul-bahante ee aanu ka midka nahay ka qabano, oo  qoladda Habar Yoonis aanu ka qabano ayaanu u soconaa” Garaad  C/rasaaq garaad Soofe Duraan.
Garaad  jaamac  garaad Ismaaciil Ducaale,   oo ergadaasi  madax dhaqameedka ah hogaaminaya  ayaa labadda dhinac ee dirirtu dhex martay ugu baaqay in ay nabadda ka wada shaqeeyaan, isla markaana loog baahan yahay in ay ku wada noolaadaan degaankooda, Waxaanu yidhi “Waxaanu maanta (shalay) joognaa Dan-dan, waxaanu soo jeedinaynaa dhibkii ka dhacay Bali-Xasan ee dhex maray labadaa Ardaa ee Dhul-bahante iyo Habar Yoonis,  intii ku dhimatay ILLAAHAY ha u naxariisto. Haddii aanu nahay salaadiinta beesha Dhul-bahante, waad na aragtaan, idinkana warkiinii waanu dhegaysanaynay,  nabadii aad ku baaq deenna waanu dhegaysanaynay. Dagaal Wiil baa ku dhinte ee Wiil kuma dhasho,  nabad ayaanu u baahanahay, nabad ayaad u baahan tihiin, waxaananu ku soconaa meeshii dhibku ka dhacay ee Bali-Xasan, waanan isugu imanaynaa.”
Sidoo kale, Madax-dhaqameedkii iyo cuqaashii kale ee iyaguna halkaasi ka hadlay ayaa dhammaantoodba si  isku mid ah waxay baaq  nabadeed ugu jeediyeen beelaha walaalaha ah ee dhawaan degaanka Bali-Xasan dirirtu ku dhex martay, iyagoo  u hogo tusaaleeyay qiimaha ay nabadu leedahay. Garaadadda, salaadiinta, cuqaasha iyo odayaasha beelaha Buuhoodle iyo Sool ayaa iyagu maalmahan ku sugnaa  meesha la yidhaahdo Dhar-kayn Geenyo  ee gobolka Sool, halkaasi oo ay  ku heshiisiinayeen laba beelood. Waxaanay isla shalay u amba-baxeen dhinaca degaanka Bali-Xasan ee ay dhawaan labadda beelood  dirirtu ku dhex martay sidii  ay dhinacoodda gacan uga geystaan deminta colaadaasi.
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply