Somaliland Oo Gacanta Ku Dhigtay 200 Oo Tahriibeyaal Itoobiyaan Ah Iyo Magafayaashii Soo Waariday

0
781

Wajaale (Dawan)- Xukuumadda Somaliland ayaa shalay ku qabtay magaalo soohdinta ku taalla ee  Wajaale, tiradii ugu badnayd ee tahriibayaal ah, kuwaasi oo doonayay in ay si qarsoodi ah uga gudbaan xuduuda u dhaxaysa labada dal ee Somaliland iyo Itoobiya.
Maamulka degmada Wajaalle, taliyaha laanta socdaalka iyo taliyaha booliska ee magaalada Wajaalle ayaa si wada jir ah uga hadlay qabashada tahriibayaashan oo tiradoodu ku dhawdahay laba boqol oo qof iyo magafayaashii tahriibinayay.
Maayarka degmada Wajaalle Cabdicasiis Saleebaan, ayaa ugu horrayn sheegay in dadkan tahriibayaasha ah ee la qabtay ay u dhasheen qoomiyadaha kala duwan ee dalka Itoobiyay, waxaanu yidhi “Dadkan aanu qabanay waa dad Itoobiyaan ah oo ka kooban qoomiyadaha kala duwan ee Itoobiya dhammaantood, kuwaasi oo u soo tahriibayay dalkeenna, waxaanay isugu jiraan kuwa ina dhaafaya iyo kuwo shaqo tag ah, iyo kuwo dawarsanaya.”
Taliyaha Booliska Degmada Wajaale Keyse Suudi, ayaa isaguna halkaasi hadallo ka soo jeediyay waxaanu yidhi “Waxaan u mahad naqayaa taliyaha laanta socdaalka Wajaale  iyo taliye ku xigeenkiisa, aniga oo ku hambalyaynaya tallaabada ay qaadeen, iyaga oo gacanta ku dhigay aafadaasi innagu soo goosatay ee aynu maanta arkayno.”
Taliyaha laanta socdaalka degmada Wajaale Cabdirashiid Xaaji Axmed Xasan, ayaa isna  dhiniciisa sheegay in ay gacan bir ah ku qabanayaan muwaadiniinta caadaystay in ay dadkan lacag ka qaataan oo ay tahriibiyaan, waxaanu yidhi “Halkan waxaanu ku qabanay dad tiradoodu ku dhawdahay laba boqol oo qof oo Itoobiyaan ah, waxaan aad iyo aad ugu digayaa dadka muwaadiniinta ah ee caadaystay in ay dadkaasi lacag ka qaataan oo ay tahriibiyaan, kuna soo hogaamiyaan oo ay dhex mariyaan dalka.”
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply