Markii uu safarkiisa dalxiiska ah ku jiray wuxu ku dhex lumay kaymaha dhirta is qabsatay. Markii uu ku sugnaa muddo dhawr maalmood ah. Wakhtigaasi wuxu xaqiiqsaday in aanu helayn cid badbaadisa iyagoo biyaha iyo raashinku gabaabsi ku sii noqonayeen. Wuu fikiray markii uu arkay Xadhkaha laydhka ee maraya kaynta dhexdeeda wuxuuna go’aansaday inuu jaro si ay u yimaadaan shaqaalihii hagaajinayay oo ay u badbaadiyaan.
Arinkuna wuxu u dhacay sidii uu rabay iyagoo goobta wax yar kadib soo gaadhay shaqaalihii laydhka. Mararka qaarkood mushkulada waxa xal u ah inaad abuurto mushkulad kale.