Waa fikir khaldan haddii la aamino in dadka lacagta lihi keliya yihiin kuwo noolaan kara nolol dheer,caafimaad ahaan iyo cudur ahaanba,waxa sidaasi hadalkiisa qoraal ahaaneed ku bilaabay khabiir u dhashay wadanka Ingiriiska oo soo bandhigay daraasad cusub oo ay sameeyeen koox uu hogaaminaayey,taas oo ay ku eegayeen da’da iyo faqrinimada,sidoo kalena dadka xanuunada la nool iyo faqrigu xidhiidhka ay lee yihiin.
Khabiirkan ayaa ka socday jaamacadda London College ayaa natiijadii kazoo baxday daraasad uu sameeyey ku ogaaday rag iyo dumar da’ahaan aad u waaweyn oo qaarkood ay dhasheen sannadkii 1880 ay yihiin weli kuwo fuqaro ah,sidoo kalena ah dad la nool xanuuno kala duwan oo uu kamid yahay xanuunka Subagowga iyo Cancer-ka.
Xanuunadan labada ah ayaa ah kuwo inta badan ay adag tahay in laga badbaado marka uu qofka ku dhaco sida looga kacaana ay adag tahay,waxaana la yidhaahdaa caalamka waxa ka badbaada tiro ahaan ilaa 10%.
Laba qof oo dadkan ka mid ah kuna nool magaalada London ayaa ah kuwo ay waalidkood labadodaba qabeen xanuunadaasi,kuwaas oo u dhintay aakhirkii,laakiin labadan qof ayaa ah kuwo weli nool.
George Bell oo kamid ah dadkan ayaa noqday ninka ugu weyn ee xanuunkaasi la nool da’diisuna waxay waqtigan maraysaa 87 sanno,sidoo kale Glorria ayaa ah gabadh iyaduna faqiirad ah oo ku nool London,waxaanay da’ahaan jirtaa 94 sanno,iyada oo ilaa yaraanteedii la noolayd xanuunka Cancer-ka.
Labadan qof ayaa intii ka dambaysay daraasadan soo jiitay warbaahinta caalamka oo ay ishoodu qabatay,waxaana warbixintay ay khubaradani ku qortay wargeysa Daily Mail oo uu kazoo xigtay wargeyska Dawan,waxaanay khubaradani sheegeen in ay daraasada intii ay ku jireen eegayeen habka dhaqaalaha bulshadu hadba yahay iyo heerka waxbarasho ee dadka