Hor-joogaha Kooxda Khaatumo Oo Gadood Dadweyne Lagaga Saaray Buuhoodle

0
451

Buuhoodle (Dawan): Hor-joogaha kooxda nabad-diidka ah ee Khaatumo Cali  Khaliif Galaydh iyo xubno uu hogaaminayay oo tegay magaaladda Buuhoodle, ayaa la sheegay in  bulshadda reer  Buuhoodle ay ku  kaceen, kalana  hortegeen diidmo, isla markaana shalay kabo-la’aan lagaga saaray magaaladda Buuhoodle Cali Khaliif  iyo xubno la socday.
 
Cali Khaliif oo habeen hore gaadhay Buuhoodle ayay dadweynuhu dhabarka u soo jeediyeen isla markaana ay kala hortageen dareen diidmo ah oo ay u arkayeen inuu nabad-gelyadooda waxyeelaynayo. Mr. Galaydh waxa socdaalkiisa ku wehelinayay koox kale oo uu sheegay inay ku dhawaaqi doonaan maamul ku sheeg laga yagleelo barriga Sanaag.
 
Xildhibaan C/rashiid Sheekh C/laahi Aadan, oo ka tirsan golaha Guurtida Somaliland  oo xalay telefoonka ugu waramay DAWAN,  isagoo  ku sugan magaaladda Buuhoodle  ayaa sheegay in bulshadu  ay ka biyo-diideen qorshaha ay wateen Cali Khaliif iyo xubnaha la socday  kadibna ay  dadku ku kaceen, iyadoo ay  illaa laba qof  ka dhaawaceen Cali Galaydh iyo kooxdii la socotay.
 
Xildhibaan Rashiid, oo isagu hawlo la xidhiidha sidii uu mag ugu kala qaadi lahaa laba beelood oo ay hore dilal u dhex mareen u jooga Buuhoodle, waxa uu sheegay in kooxdaasi isa-soobaahaystay ay weji-gabax kala kulmeen shacabka reer Buuhoodle.
Xildhibaanka, oo ka hadlayay arrintaasi  waxa uu yidhi “Intii aan joogay halkan Buuhoodle, waxaa iigu yimid Cali Khaliif iyo wefti uu watay, ninkaasi  ka huleedh Buuhoodle oo  wuu ka baxay, Bali-cad iyo xagaas ayuu tegay, duufaano ayaa ku kacay. Ninkaa   Cali Galaydh, waxa uu watay qolo reer Maakhir ah, iyo qolooyin ka socday maamulka Khaatumo, oo uu hogaaminayay, oo doonayay inay labada gobol mideeyaan oo ay maamul ka sameeyaan. Dadka reer Buuhoodle qaar badan ayaa ka biyo-diiday arrinka ay wateen, dadkii ka biyo-diidsanaanaa  duufaano  ayay  ku kiciyeen, oo ilaa laba nin ayaa laga dhaawacay, waxyaabo, kalena way ka dhaceen. Markaa saaka   (shalay)  ayay Buuhoodle ka huleedheen Cali Khaliif iyo qoladii la socday, iyagoo gacmo madhan ka sita”.
 
Xildhibaanku waxa kale oo uu sheegay in dadkii ku gadooday  Cali Galaydh iyo xubnaha  uu watay in ay budhadh iyo dhagaxaan ku weerareen, ilaa ay magaaladda kaga saareen.   “Budhadh, dhagaxaan iyo feedh ayaa lala dhacay, meel waddo  laga dhisayay   oo   magaaladda dhexdeeda ah ayuu damcay inuu booqdo,  dabadeedna waa la is-hortaagay, oo waa loo diiday, sidaas ayaanu dhaawacu ku gaadhay nimankaasi”ayuu yidhi xildhibaan Rashiid Sheekh.
 
Dhinaca kale Xildhibaan C/rashiid, waxa uu  waxba kama jiraan ku tilmaamay hadal dhawaan ka soo yeedhay Hor-joogaha Khaatumo oo sheegay in aanay diiwaangelinta iyo doorashada midnaba ka dhici doonin gobolada Sool, Sanaag bari iyo Buuhoodle, taasi oo uu ku tilmaamay mid aanay waxba ka jirin, isagoo xildhibaanku xukuumadana baaq u diray.
 
Waxaanu yidhi “Arrintaasi waxaan u arkaa mid khaldan, oo aanay waxba ka jirin. Dadka degaamadaasi waa u diyaar diiwaangelinta codbixiyeyaasha iyo doorashaduba inay ka dhacdo. Xukuumadana waxaa looga baahan yahay inay daacad ka noqoto goboladani oo ay ku dhiirato, oo wakhtiga loo qorsheeyay dadka goboladan u jooga ee loo soo diray ay ka bilaabaan wacyigelinta oo ay  sameeyaan, taasina xukuumadu way ka gaabisay.
 
Waxaan ku boorinayaa xukuumadda Somaliland inay ka hirgeliso goboladan oo ay ka qaybgeliso horumarka, iyo sidii ay diiwaangelinta iyo doorashaduba ay uga dhici lahaayeen, ayaan u soo jeedinayaa xukuumadda”.
 
Sidoo kale xildhibaan C/rashiid Sheekh C/laahi  Aadan, waxa uu ka warbixiyay u jeedadda socdaalka uu Buuhoodle u jooggo. waxaanu yidhi “Anigu waxaan u joogaa Buuhoodle arrimo nabadgelyo oo khuseeya beelaha Buuhoodle iyo Qori-luqud oo  dil hore  ay dhex mareen   in aan wax ka qabto ayaan u imid Buuhoodle. Arrintu hadda gebagebo ayay ku jirtaa,  Dhulku waa iska barwaaqo, oo si nabad ah ayaa la isku dhexyaalaa. Wax dhibaato ahina hadda kama taagna.
Arrintaasi waxay ahayd laba nin oo midna laga dilay dhinaca Buuhoodle midna laga dilay dhinaca qori-lugud, oo ay magihii ku kala maqnaayeen sidii ay magaha isku siin lahaayeen, qolo waxaan kula shiray Burco, qolana Buuhoodle, imika meel fiican  ayay noo maraysaa, aniguna laba cisho ka dib in aan soo baxo ayaa laga yaabaa”.
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply