Madaxweyne Siilaanyo Oo Kulan La Xisaabtan Ah La Yeeshay Masuuliyiinta Wasaaradda Daakhiliga Iyo Laamaha Hoos Yimaada

0
466

Hargeysa(Dawan)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa shalay  kulan xog waraysi ah la yeeshay masuuliyiinta wasaaradda Arrimaha gudaha, badhasaabadda iyo Maayirrada magaalooyinka Somaliland.
 
Sidaasna waxa lagu sheegay war-saxaafadeed uu shalay soo saaray afhayeenka madaxtooyadda Md. Xuseen Aadan Cigge(Xuseen Deyr), waxaanu war-saxaafadeedkiisa tafaasiil kaga bixiyay qoddobadii shirkaasi lagaga hadlayay, waajibaadkii lagu kala qaatay iyo  najiibadii ka soo baxdayba.
 
 
War-murtiyeedkaasina oo nuqul ka mid ahi na soo gaadhay waxa uu u dhigaa isagoo dhammaystiran sidan:- “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Siilanyo isagoo gudanaya xilka iyo masuuliyadda uu ummadda u hayo, wuxuu maanta (shalay) Qasriga Madaxtooyada kulan kula yeeshay masuuliyiinta sare ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha. Madaxweyne Axmed Siilaanyo isagoo ka duulaya waajibaadkiisa Dastuuriga ah ee ah inuu la xisaabtamo masuuliyiinta uu xilalka Qaranka u igmado, ujeedada ugu muhiimsan ee uu masuuliyiinta sare ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha ugu yeedhay waxay ahayd si ay uga war bixiyaan wixii Wasaaraddooda sannadkii 2015-ka u qabsoomay iyo qorshaha iyo hiigsiga ay leeyihiin sannadkan 2016-ka.
 
Madaxweyne Siilaanyo kulanka uu ugu yeedhay Wasaaradda Arrimaha Gudaha wuxuu ahmiyad iyo mudnaan gaar ahba siiyey go’aamadii ay Xukuumadda JSL dhawaan soo saartay ee la xidhiidhay adkaynta Amniga iyo Nabadgelyada Dalka, Isu socodka Jam. Somaliland iyo Soomaaliya, ilaalinta xuduudaha dalka (Cir, Bad iyo Berriba) iyo weliba habsami-u-socodka mashruuca Diwaan-gelinta madaniga (muwaadinka). Sidaa darteedna Madaxweynuhu wuxuu Wasaaradda Arrimaha Gudaha ka dalbaday ama uu waydiiyey bal waxa Wasaarad ahaan arrimahan uga qorshaysan ama uga meel yaalla fulinta iyo taabbo-gelinta go’aamada ay Xukuumaddu soo saartay!!
 
 
Ugu horraan waxa kulankii hadal ka soo jeediyey Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Mudane Cali Maxamed Warancade kaasoo sheegay in nabadgelyadu ay tahay saldhigga iyo aasaaska nolosha aadamaha iyo halbawlaha ay Dadka iyo Dalkuba ku tamariyaan, la’aanteedna aanu jiri karin horumar nololeed. Waa wax Ilaahay loogu mahad naqo in ay maanta dalkeenna ka jirto nabadgelyo taam ah oo aynu ka mid nahay dalalka Qaaradda Africa ugu nabadgelyada iyo xasiloonida badan. Wasiir Warancade wuxuu sheegay ka sokow dadaalka Ciidamada Amniga Qaranka ay hadh iyo habeenba heeganka ugu jiraan illaalinta dalka iyo dadka, in nabadgelyada uu Qarankeennu ku naaloonayo ay ku dhisan tahay taageerada iyo is-xilqaanka Shacabkeena qiimaha leh, taasoo ay had iyo jeer la garab joogaan Dawladda iyo Ciidamada amniga qaranka. Wasiir Warancade wuxuu sheegay in shacabka Somaliland ay yihiin kuwa tacab, juhdi iyo feejignaan badanba ku bixiya sidii ay u adkayn lahaayeen nabadgelyadooda, iyaga la’aantoodna aanay marnaba jirteen xasiloonida maanta dalkeenna ka jirta.
 
Wasiir Warancade wuxuu si aad u faah-faahsan uga war bixiyey baaxadda ay Wasaaradiisu leedahay iyo doorka ay ku leedahay siyaasadda Xukuumadda iyo fulinta hawlaha Qaranka, isagoo hoosta ka xarriiqay mugga iyo miisaanka ay Wasaaradu leedahay iyo Waaxyaha ay ka kooban tahay. Sidoo kale, Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Guduhu wuxuu sheegay in nabadda, degenaanshaha iyo xasiloonida uu dalkeenu ku naaloonayo ay tahay arrin Allah lagu mahadiyo oo qiimo weyn ugu fadhida jiritaanka Qaranka Jam. Somaliland, taasoo ah astaan togan oo lagu tilmaansado ummadda iyo Qaranka JSL.
 
Sidoo kale, Wasiir Warancade wuxuu sheegay in Wasaaraddiisa iyo hawl-wadeenadeeduba ay si weyn ugu baraarugsan yihiin xalaadaha nabadgelyo iyo khataraha halista ah ee ka jira gobolka aynu ku noolnahay. Sidaa darteedna ay Wasaarad ahaan si dhab ah uga go’an tahay adkaynta iyo ilaalinta arrimaha Amniga, Nabadgelyada iyo xasiloonida bulshada. Wasiir Warancade wuxuu tilmaamay waajibaadka kale ee Wasaaraddiisa saaran ee ay ka mid yihiin wacyi-gelinta bulshada si colaadaha looga hortago nabadddana loo kobciyo, arrintaana ay hoggaamiyeyaasha dhaqanku door lama huraan ah ku leeyihiin.
 
Ugu dambayntii Wasiir Warancade wuxuu Madaxweynaha u sheegay in Wasaaraddiisa iyo hawl-wadeenadeeduba ay si dhab ah uga go’antahay socodsiinta mashruuca Diwaan-gelinta madaniga iyo weliba fulinta iyo taabbo-gelinta go’aamadii ay Xukuumaddu ka soo saartay 24/12/2015, taasoo lagama maarmaan u ah sugitaanka Amniga Qaranka, adkaynta Nabadgelyada iyo xasiloonida Bulshada iyo ilaalinta xuduudaha dalkeena (Cirka, Badda iyo Berrigaba).
 
Kulankii xog-waraysiga ahaa ee uu Madaxweyne Axmed Siilaanyo ugu yeedhay Wasaaradda Arrimaha Gudaha waxa iyaguna hadallo kooban ka soo jeediyey Taliyaha Ciidamada Booliska Generaal C/llaahi Fadal Iimaan; Taliyaha Ciidamada Ilaalada Xeebaha Generaal Max’ed Xuseen (Xiirane); Taliyaha Laanta Socdaalka (Kolonayl Maxamed Cali Yuusuf) oo dhammaantoodba si mug leh uga warramay xilka iyo waajibaadka ay saddexda ciidan ku leeyihiin Wasaardda Arrimaha Gudaha.
 
Saddexda taliye ciidan waxay Madaxweynaha u sheegeen inay Wasaarad ahaan Qaranka uga wakiil yihiin adkaynta arrimaha Amniga, Nabadgelyada iyo xasiloonida bulshada iyo ilaalinta xuduudaha dalka (Cir, Bad iyo Berriba) goor kasta iyo goob kastaba. Sidaa darteed in looga fadhiyo sidii ay ciidamadoodu uga soo bixi lahaayeen waajibaadka amni iyo kuwa nabadgelyo ee kaga beegan dadka iyo dalka Somaliland, waddamada deriska ah, Gobolka Geeska Afrika iyo guud ahaanba bulshada caalamka. Saddexda taliye ciidan waxay sheegeen inay si dhab ah u fulin doonaan go’aamadii ay Xukuumaddu soo saartay ee ku wajahnaa:
Arrimaha Isu-socodka Jam. Somaliland iyo Soomaaliya,
Adkaynta Xuduudaha ay Somaliland la leedahay dalalka deriska ah,
Ka hortagga Tahriibayaasha dhexmara Jam. Somaliland,
Dadka Ajaanibka ah ee sida sharci-darrada ah ku jooga Somaliland,
 
Kulankii xog-waraysiga ahaa waxa iyaguna hadallo ka soo jeediyey Guddoomiyeyaasha Gobollada Dalka iyo Maayarrada Degmooyinka Dalka oo si guud uga war-bixiyey sida ay hawlaha qaranku uga socdaan Gobollada iyo Degmooyinka dalka iyo caqabadaha jira ee wax ka qabasho u baahan.
 
Ugu dambayntii, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo oo si aad u qoto dheer u dhegaysanayey xog-warrankii Wasaaradda Arrimaha Gudaha, wuxuu kulankii ku soo gaba-gaboobay hadal dar-daaran iyo dhiirrigelinba ahaa oo uu Madaxweynuhu u soo jeediyey masuuliyiinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha isagoo dhammaantoodba ku booriyey inay sida ugu habboon u gutaan waajibaadka iyo xilalka ay ummadda u hayaan.”
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply