Mooshin Lagu Taageerayo Xeerka Bangiyada Oo La Horgeeyay Golaha Wakiilada

0
441

Hargeysa (Dawan) – In ka badan labaatan xildhibaan oo ka tirsan golaha wakiillada Somaliland ayaa mooshin ay ku taageerayaan xeerka Bangiyada u gudbiyay shir-guddoonka golahaasi,  mooshinkaasi oo ay ku dhiiri-gelinayaan in la ansixiyo xeerkan.
Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee aqalka  wakiillada Mudane Baashe Maxamed Faarax oo shir-guddoominayay fadhigii golaha ee shalay ayaa guddoomay mooshinkaasi oo ay ku saxeexan yihiin in ka badan labaatan xildhibaan.
Guddoomiye  Baashe Maxamed Faarax ayaa sheegay in mooshinkani uu yahay mid sharci ah, balse loo baahan yahay in uu helo  kooram gole ama tiro ku filan oo cod loogu qaadi karo, Sidaa darteedna maalinta Salaasada ah golaha la hor keeni doono.
Xeerka baananka ganacsiga ayaa muddo golahaasi hor yaallay, iyadoo guddi arrintaasi loo saarayna aanay wali wax warbixin ah ka keenin. Xildhibaanada taageersan mooshinkan ayaa waxay ku doodaayaan in xeerka bangiyada iyo ganacsiga ee reer galbeedga iyo kuwa islaamiga ahiba ay dalka ka wada furmi karaan,  iyagoo tartamaya,.  Golaha wakiilada ayaana hore u ansixiyeen xeerka baananka islaamiga ah, kaas oo hadda dhaqan gal ah.
Xildhibaan Saleebaan Cawad Cali (Bukhaari) iyo xildhibaan Xaamud Cismaan Cigaal, ayaa waxay sheegeen in ay ka soo horjeedaan mooshinkan golaha la horkeenay. Isla markaana maalinta loo muddeeyay mooshinkan aan la hubin in uu kooramku buuxsami doono iyo in kale, maadaama oo ay fadhigan ku sugnaayeen tiro gaadhaysa labaatan xildhibaan, isla markaana aanu Somaliland ka jirin xeerka maalgashiga caalamiga ah iyo ka maxalliga ah toona.
 
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply