Xildhibaan Dhiig Miirato Ku Sifeeyay Shirkadda Laydhka U Shida Magaaladda Burco

0
511

Hargeysa(Dawan)-Xildhibaan Naasir Cali Shire oo ka mid ah mudanayaasha Golaha Wakiiladda Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa ku eedeeyay shirkadda HEECO oo ka mid ah shirkadaha Laydhka ee magaaladda Burco  inay dadweynaha macmiilkooda ah korontada ugu shidaan lacag qaaliya oo aan la aqbali karin.
Naasir Cali Shirre oo shalay warbaahinta kula hadlay magaalada Burco  ayaa waxa uu sheegay inay la xisaabtami doonaan shirkadda laydhka  HEECO ee magaalada Burco ku taalla taas oo uu ku tilmaamay in ay tahay mid dhiig miirato ah oo aan, u tudhayn dadka  danyarta ah ee reer Burco.
“Saddexdii maalmood ee aan ku sugnaa magaalada Burco waxa aan dareemay, in laydhku qaali yahay waxa ay noqotay wax lala yaabo, in shirkadda HEECO ee laydhka ee  magaalada Burco.Shirkadani waxay dadka laydhka ugu shidaa qiimihii uu taagnaa markii shiidaalku qaaliga ahaa. Arrintaasina waa mid cadaaladda ka fog isla markaana dadnimadda ka fog,”ayuu yidhi Xildhibaan Naasir Xaaji Cali.
Xildhibaanku waxa uu ugu hanjabay shirkadaasi haddii ay bulshadda qiimaha qaaliga ah ka jabin waayaan inay Golaha Wakiiladda uga yeedhi doonaan, waxaanu yidhi “Waxaan u soo jeedinayaa inay dadka u naxariistaan oo laydhka jabiyaan, tobanka litir ee baatroolka ahi waxa uu marayaan 7 doolar iyo  badh, naaftuduna waxa ay maraysaa tobanka litir 5 doolar iyo badh. Haddii aad arrintaas wax ka qaban weydaan oo qiimaha jabin waydaan waxaanu idiinka yeedhi doonaa Golaha Wakiiladda.”
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply