“Xeerka Doorashaddu Waxa Uu U Yaallaa Baarlamaanka, Iyaga Ayaa Laga Rabaa Inay Xaliyaan Ka Hor Doorashadda”

0
557

Hargeysa (Dawan)-  Guddida doorashooyinka jamhuuriyadda Somaliland, ayaa ku baaqay in xildhibaanada Golaha Wakiilladu ay ansixiyaan qabyo-tirka xeerka doorashooyinka wakiillada iyo madaxtooyada ee la filayo in ay dalka ka qabsoonto sannadka Bisha March 2017-ka.
Sidaasi waxa sheegay afhayeenka guddida doorashooyinka Somaliland Mudane Siciid Cali Muuse, waxaanu tilmaamay in ololaha wacyi-gelinta diwaan gelinta codbixiyeyaashu ay marayso meel wanaagsan, isla markaana ay u socoto sidii loogu tallo galay.
 
Afhayeenku waxa uu sheegay in maalinta Khamiista ah ee todobaadkan oo ku beegan 14-ka bisha ay gobolka Togdheer, magaalo madaxdiisa Burco ku qaban doonaan munaasibadii furitaanka diiwaangelinta codbixiyayaasha doorashooyinka, taas oo loo qoondeeyay in ay si rasmi ah u bilaabanto 16-ka bishan.
 
Mudane Siciid Cali Muuse oo u warramayay   Tififtiraha Guud ee DAWAN Cumar Maxamed Faarax, ayaa tafaasiil ka bixiyay  waxyaabaha illaa hadda u qabsoomay guddi ahaan iyo rejada ay ka qabaan dhammaystirka diwaan-gelinta codbixiyeyaasha, waxaanu yidhi “Sida aad la socoto, maalinta Sabtida ah ee 16-ka bishan ay gobolka Togdheer ayay  bilaabmi doontaa diwaan-gelintii codbixiyeyaashu, diwaan-gelintu waa arrinta aanu ka shaqaynaynay Komishan ahaan, Xisbiyo ahaan, iyo qaadhaan bixiyeyaasha naga taageera doorashooyinka, waxaana naga go’an in aanu dalka oo dhan ka hirgelino arrintan.”
 
Afhayeenka Komishanka Doorashooyinka qaranka Somaliland oo ka jawaabay  waxa ay ka yeelayaan dhaliilo la sheegay in ay ka jiraan dhinaca ololaha wacyigelinta diwaan-gelinta oo heerkoodu hooseeyo, taas oo la sheegay in ay hoosayso, waxaanu  yidhi “Horta wacyi-gelintu maaha mid aanu annagu guddi ahaan dhaqaajino oo aanu gacanta ku hayno, ururo maxali ah ayaa la siiyaa, kuwaas ayaana fuliya wacyigelinta. qaadhaan-bixiyayaashuna waxa ay gacanta ka geliyaan dhaqaalaha wacyigelinta NGO-yada fulinaya hawshaasi, ee dhaqaale gacanta noogu jira oo arrintaa khuseeyaa ma jiro, laakiin waxa aanu la samaynaa qaabka aanu wax u doonayno Komishan ahaan in hawsha loo fuliyo.”
 
 
 
“Hadda wacyigelintu way socotaa oo waxay bilaabantay bishii September ee sannadkii hore, waxaanay ka socotaa Telefiishanada, Raadiyaha, Jaraa’idada iyo Websiteyada, haddii aad Burco joogi lahayd waad arki lahayd baabuurta ay saaran yihiin sameecadaha iyo cod baahiyeyaashu oo muwaadiniinta  lagu barayo tilmaamaha codbixiyaha,”ayuu ku dooday Afhayeen Siciid Cali Muuse.
 
 
Afhayeenka  oo wax laga waydiiyay  qoddobo  caqabad ku ah qabsoomida doorashooyinka ay diwaangelintani hordhaca u tahay, caqabadahaasi oo ay ugu weyn yihiin xeerkii doorashooda wakiillada iyo madaxtooyada oo aan illaa hadda la ansixin iyo saami qeybsigii kuraasida baarlamaanka, waxaanu kaga jawaaabay “Horta annagu Komishan ahaan waxaanu nahay farsamo yaqaano, hawshaasina waa mid u taalla golaha wakiillada, xukuumadda iyo axsaabta qaranka in laga wada hawl galo oo la ansixiyo, waa arrin ka mid ah farsamooyinka u baahan in laga wada hawl-galo.”
 
“Annaga Komishan ahaan  waa hawl noo taalla dhammaystirka qaabka ay u hirgelayso doorashadu, sida in aanu daba soconno  sidii loo ansixin lahaa xeerkaasi oo uu golaha uga soo gudbi lahaa, Siyaasiyan Hawshaasi waxay u taallaa Baarlamaanka, iyaga  ayaana laga rabaa in la xaliyo ka hor wakhtiga doorashada,” ayuu yidhi Mr. Siciid Cali Muuse.
 
Afhayeenka oo ka jawaabayay su’aal la xidhiidhay sida doorashooyinka isa saarka ah ee madaxtooyadda iyo wakiiladdu mar uga wada dhici karaan Somaliland iyo dhaqaalaha ay u hayaan, waxaanu yidhi  “Illaa hadda qorshahayagu waxa weeye, sidii horeba loogu tallo-galay in ay doorashooyinka madaxtooyada iyo wakiilladu ay mar wada dhacaan, taas ayaanu haynaa oo aanu hirgelinaynaa, waana mid ku cusub dunida, innaga oo kaliya maahee, dalkeenna in uu ka hirgalo qaabkaasi ayaanu ku rejo  weyn nahay.”
 
“Hawsha Noogu Kululi waxa weeye sidii diwaan-gelintu u taabo-geli lahayd, sababta oo ah Caalamka oo dhan ayaa Indhaha inagu haya, wadankeenan yar ee intaa leeg ayaa adduunka oo dhami eegayaa, sababta oo ah qalabkan iyo nidaamkan la isticmaalayaa waa mid innagu  cusub,” ayuu yidhi afhayeenka komishanku.
 
Ugu dambayn Afhayeenka Komishanka doorashooyinku waxa uu ka hadlay xeerka anshaxa doorashooyinka ee ay dhawaan wada saxeexdeen axsaabta qaraka iyo Komishanku, waxaanu faahfaahiyay waxyaabaha uu kaga duwan yahay xeerarkii hore, waxaanu yidhi
Mr. Siciid oo la weydiiyay sida xeerka anshaxa doorashadda ee dhawaan ay kala saxeexdeen xisbiyadda qaranku uu u shaqeyn karo, waxaanu yidhi “Xeerkani waanu ka shaqaynay oo aanu habaynay, waxaanu ka ilaalinay si aanay u dhicin ku noqnoqosho dambe, waxaan qabaa sida aanu uga shaqaynay in uu noqdo mid ay hirgasho ujeedadii laga lahaa, waana mid ka mid ah waxyaabaha ugu weyn ee aanu u samaynay diwaan-gelintan codbixiyaha, asxaabtuna way ku qanceen, qorshahan  aanu u diyaarinay.”
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply