Xeer Ilaalinta Oo Racfaan Ka Qaadatay Xukun Lagu Riday Nin Faafinayay Mad-habta Shiicadda

0
361

Hargeysa(Dawan):- Gudoomiyaha Maxkamadda Degmada Hargeysa, Cabdirashiid Maxamuud Xirsi (Beergeel) ayaa shalay  xukunno isugu jira xadhig iyo ganaax lacageed ku riday laba nin oo u dhashay dalka Pakistaan, kuwaasi oo lagu helay inay  fidinayeen   Mad-habta Shiicada, oo ay ciidanka laanta Socdaalka Somalililand ay gacanta ku soo dhigeen,laguna eedaynayay inay khalkhalgalinayeen qiyamka diineed ee bulshadda Somaliland.
Fadhigan ay shalay  maxkamadda degmadu xukunkan ka soo saartay waxa  goob joog ka ahaa culimo ka kala socotay wasaarada diinta iyo awqaafta Jamhuuriyada Somaliland,saraakiil ka socday laanta socdaalka,iyo gudida wanaag farista.
Guddoomiyaha maxkamadda degmada Hargeysa  Cabdirashiid Maxamuud Xirsi (Beergeel) oo dhegeysigii dacwada ka dib akhriyey Xukunka Maxkamadda,waxaanu yidhi  “Xukunka maxkamada Degmada Hargeysa dambiilayaal Maxamad Raasa Xuseen ina Sariin Wal Burhaan oo da’diisu tahay 63-sanno jir iyo Haashim Ukeera oo maqana ah kuna gafay qoddobka 314 ee xeerka ciqaabta guud khalkhal gelin arrimo diineed, iyo xeerka socdaalka ee Xeer Number 72, xeerkaas oo soo baxay  27/11/1995-kii.  Waxa maxkamaddu ku xukuntay  labadan nin  min hal-sanno oo xadhiga iyo min 3-milyan oo ganaaxa oo raacsan,
1 Dambiiluhu haddii uu iibsado xadhiga, iskana bixiyo ganaaxa taliyaha laanta socdaalku iyo Wasiirka arrimaha gudaha Jamhuuriyada Somaliland, waxaa la farayaa inay ka saaran gayiga Jamhuuriyada Somaliland iyada oo fursad loo siinayo hantidiisa,ka maqan si uu u urursado laba bilood gudahood, amase uu ugu helo cid masuul uga noqota, oo uu kaga tagi karo hantidiisa oo u sii ururisa, una sii wakiisho si aan hantidiisa loo dhicin oo aan loo dulmiyin, maadama Islaamku ilaaliyay cid kasta xuquuqdeeda.
2  Haddii xadhigaa uu galo dambiilahani waxaa la faraya taliyaha xabsiga Mandheera inuu meel gooni ah uu ku xidho, si aanu jeelka uga faafin gudihiisa caaqiidaa khaldan ee uu aamisan yahay ee shiicaynta,oo aanu ku noqon isaga oo buka haddii lala xidho dadkii maxaabiista ahaa aanu xanuunkii u qaadsiin, oo aanu caqiidadooda u khal-khal gelinin, xaaladda  marka dadka ay xidhan yihiin waa  xilliga  dadku u jilicsan yihiin, lagana faa’iidaysan karo.
3 Waxa ay maxakamadu xoriyadiisa u celisay eedaysanaha saddexaad ee maqanaha ah, ee Xasan Cali Siciid maadama oo ay eedi kala noqotay xafiiska xeer ilaalintu  sida ku xusan qoddobka 112 ee Xeerka ciqaabta loona waayay wax maragyo ah oo ku cadeeya, dambiga lagu soo eedeeyay.
4 Danbiilaha maqanaha ah ee isaguna maqan waa la mid isaguna eedaysanaha koowaad ee hortaagan maxkamadda, hor-taagan, haddii uu soo galay gayiga Somaliland-na xadhigiisu waa diyaar.”
Intaas ka dib  sarkaal ka tirsan xeer ilaalinta ayaa sheegay inaanay ku qanacsanayn xukunkan isla markaana ay racfaan ka qaadan doonaan waxaanu yidhi “Waxaanu filaynay maxkamaddu inay xukun adag noogu xukunto eedaysaha ciqaab culus maadama uu duulimaad ku ahaa, deegaankan iyo dadka ku nool,iyo diinta islaamkaba, khalkhal-gelin diineedna uu waday, oo ah inay dadku kala jabaan oo ay isku dhacaan, xaga nabad-gelyadana khatar ku aheyd sidaas darteed maadama ay maxkamadda  aanu u arragno inuu xukunkani  khafiifa ahaa, xukun yar oo khafiifana lagu xukumay sidoo kalena aanu ka baqanayno in aanu imika inta laga iibiyo xadhigii uu haddana halkii ka sii wado hawshiisii, waxaanu maxkamada ka qaadanay racfaan waxaanu rejaynaynaa in derajada labaad aanu guul ka gaadhi doono haddii ILAAHAY  yidhaahdo.”
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply