“Isku Xidhka Waddooyinka Waa Waxa Innoogu Muhiimsan, Xukuumaduna Way Dhiirigelinaysaa” Madaxweyne Siilaanyo

0
362

Hargeysa(Dawan):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa shalay dhagax waddo   isku xidhaysa gobollada Maroodijeex,Daadmadheedh  iyo Togdheer oo dhismaheeda dhanka Maroodi-jeex uu shalay si rasmi ah uga bilaabmay tuullada Diin-qal oo ka tirsan degmada Sabo-wanaag.
 
Munaasibad si weyn loo soo agaasimay oo shalay lagu qabtay Tuuladaas ayaa markii dhagax  dhigayay jidka isku xidhaya Maroodi-jeex, Daad-madheedh iyo Togdheer, waxa Madaxweynaha Somaliland  uu  bulshada u sheegay in ahmiyad weyn iyo mudnaan gaar ah ay siinayaan  isku xidhka dalka isla markaana ay ka dawlad ahaan dhiiri gelinayaan in dalku isku wada xidhmo.
Madaxweyne Axmed Siilaanyo waxa kale oo uu balan qaaday in jidkan   ay Dawladdu qeybteeda ka qaadanayso oo ay kaalin muuqata oo weyn ka geysanayso dhamaystirkeeda.
Sidoo kale waxa madaxweynuhu  dalka ALLE uga baryay in uu abaarta ka soo jabiyo oo uu raxmaadkiisa ugu deeqo.
“Maanta (shalay)  sharaf aad iyo aad u weyn ayey ii tahay waanan idiinka mahad naqayaa sida qiimaha iyo qaayaha leh eed noo soo dhawayseen. waana sidii idiin caadada ahayd, aad iyo aad ayaan idiinku mahad celinaynaa mar kale.  run ahaantii isku xidhka waddooyinka dalku waa waxa ugu muhiimsan, annaguna haddii aanu nahay dawladda waajib iyo xilna saaran weeyaan in aanu mar walba dhiiri-gelino dalka isku xidhkiisa, isu tallowgiisa iyo isu socodkiisaba,”ayuu yidhi Madaxweynaha Somaliland, waxaanu intaas  ku kabay  “Waddooyinkaa aynu maanta dhisayno waa waddooyinka ugu mudan dalka, waa waddooyin qiimo iyo qaayo  ugu fadhiya dalka, markaa aad ayaan ugu faraxsanahay waxaanan ballan qaadaynaa in aanu gacan weyn ka geysan doonno oo aanu waajibka iyo xilka nagala gudboon aanu si wacan uga soo baxno, Insha Allaah waxaan innoo rejaynayaa inay guul innoogu dhammaan doonto idinkana waxaan idinka mahad celinayaa sida sharafta iyo qiimaha leh eed noogala soo qayb-gasheen iyo gacanta aad ka geysateenba.ALLE waxaan ka baryayaa in  uu abaarta innaga soo jabiyo oo uu raxmaadka EEBBE innoogu deeqo.”
Sidoo kale, waxa iyaguna madashaasi ka hadlay Wasiirrada Hawlaha Guud iyo Arrimaha Gudaha Cali Xasan Maxamed iyo Cali Maxamed Waran-cadde, waxaanay ka hadleen dhismaha jidkan iyo sida ay hawshiisu u socoto.
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply