Markii ay lamaanuhu marayeen suuqa dhexdiisa ayay gabadhiisa ka furantay kabteedii. Ninkeeda ayaa diiday inay foorarsato oo ay kabta xidhato. Isaga ayaa iyadoo taagan kabta u xidhay, waxay isku dayday inay ninkeeda u diido hawshaasi waxayna ku tidhi :” Iska dhaaf aniga ayaa xidhanayee yay dadku ku ceebaynine” laakiin wuxu ugu jawaabay “Ceebtu waa adigoo ay jidhkaaga arkaan raggu”. Sidaasi ayay rag yari qoysaskooda u adeecaan.