Macmiisha waxay ku soo jiitaan mukhaadaraad!

0
309

Hay’adda cuntada ee Shiinaha ayaa sheegtay in 35 Huteel oo ku kala baahsan dalka Shiinaha ay si u kas ah ugu daraan raashinka ay samaynayaan mukhaadaraad. Arintaasi ayaa la sheegay inay ula jeedaan si ay usoo jiitaan macmiisha.
Wargeyska Independent ee ka soo baxa dalka Ingiriiska oo soo xiganayay hay’adaasi ayaa sheegay in la xidhay 5 Huteel, halka 30 kalena  baadhisi ku socoto, kuwaasi oo ay ku jiraan Huteelo caan ah oo ku yaalla Bekiin.
Waxaana aan ilaa hadda la cadayn qaabka ay maadadan mukhaadaraadka ah ugu daraan raashinka. Sanadkii hore ayaa booliisku qabteen Huteel sidan oo kale raashinka makaroonaha ku daray waxooga afyuun ah, kaasi oo macmiisha ku soo jiidanayay. Waxa kale oo la xidhay 215 Huteel sanadkii hore oo ku yaallay deegaanka Kuisto iyadoo lagu tuhmay inay raashinka ku daraan mukhaadaraadka afyuunka.

Leave a Reply