Urdun: ‘Ma aqbali karno qaxooti kale’

0
365

Boqor Cabdullah ee Urdun ayaa BBC u sheegay, in waddankiisa uu gaadhay meeshii ugu danbaysay ee uu ku qaadan karo qaxooti dheeraad ah oo reer Suuriya ah.
Isagoo hadlaya ka hor intaan la qaban shir deeq bixiyayaasha oo lagu qabanayo London Khamiista oo lacag loogu uruurinayo Suuriya, Boqor Cabdullah ayaa sheegay Urdun inaysan sii wadi karin inay aqbasho qaxooti hadii aysan helin taageero, oo ay ku jirto in shaqo loo abuuro dadka reer Urdun.
Waddanka ayaa aqbalay boqolaal kun oo qaxooti reer Suuriya, Falastiiniyiin, iyo Ciraaq iyagoo ah labaatan boqolkiiba dadka waddanka.
 
Boqorka ayaa BBC u sheegay in culays wayn ay saaran tahay adeegyada bulshada, kaabayaasha dhaqaalaha iyo dhaqaalaha.
Wuxuu sheegay in caalamka inuu caawiyo Urdun hadii ay rabto hadii ay rabto Urdun inay qaxooti ay qaadato.
Qaramada Midoobay ayaa codsanayso $7.7 bilyan si ay gargaar u siiso 22.5 milyan oo qof ee jooga Suuriya iyo dalalka deriska sanadka danbe.
43% oo kaliya ayaa la bixiyay lacag dhan 2.9 bilyan oo ay codsatay 2015-tii.
Tobanaan sano ayay Urdun soo dhawaynaysay dad ka soo cararaya dagaal oo isugu jira Falastiiniyiin, reer Ciraaq iyo hadda oo ay yimaadeen Suuriyiin badan. Waxay hadda yihiin ku dhawaad labaatan boqolkiiba dadka ku nool waddanka.
Markii ugu horaysay, Boqor Cabdullah ayaayidhi, “ma aqbali karno qaxooti kale.”
Iskuulada, Isbitaalada iyo shaqooyinka ayaa cadaadis ay saaran yihiin. Boqorka ayaa ka qayb galaya shirka deeq bixiyayaasha ee London.
Hadii hagaamiyayaasha Yurub ay doonayaan inuu shaqo u abuuro dadka reer Suuriya si ay gobolka u joogaan, wuxuu doonayaa gargaar waqti dheer ah oo sidoo kale shaqo loogu abuuro dadka reer Urdun.
Dalka Urdun, 1% qaxootiga Suuriya ayaa haysta sharci ay ku shaqaystaan. Boqorka ayaa og hadii uu furo suuqa shaqada inay ahaanayso arrin aan la jeclayn, hadii uusan fursado shaqo u samayn dadkiisa.
Urdun ayaa haysa 635,000 oo qaxooti reer Suuriya ah oo ka mid ah 4.6 milyan oo ka diiwaan gashan Qaramada Midoobay.
Dowladda ayaa sheegaysa in in ka badan milyan kale oo reer Suuriya ah inay ku nool yihiin Urdun, oo ay ku jiraan dad yimid dagaalka ka hor.
Waraysi uu siiyay BBC, boqor Cabdullah ayaa sheegay in Urdun ay hayso dhibaato qaxootiga darteed. Boqolkiiba labaatan iyo shan miisaaniyada dowladda ayaa lagu bixiyaa caawinaada qaxootiga, adeegyada bulshada ayaa cidhiidhi ku jira iyadoo dad badan ay shaqo la’aan yihiin.
 
Wuxuu sheegay in markii ay yimaadeen in ka badan hal milyan oo qof Yurub inay waddamada Yurub ay fahmeen culayska haysta Urdun.
“Waxay ogaadeen hadii aysan caawin Urdun, waxay ku noqon  dhib wayn inay wax ka qabtaan dhibaatada qaxootiga.
UK, Jarmalka, Norway, Kuwait iyo Qaramada Midoobay oo ku qabanaya shirka deeq bixiyayaasha London ayaa sheegay in caalamka uu kordhiyo caawinaada uu siiyo 13.5 milyan ee reer Suuriya iyo malaayiin dibadda u qaxay.
Waxay doonayaan inay urruuriyaan lacag cusub, in la helo xal caawinaad waqti dheer iyo sidii wax looga qaban lahaa waxyaabaha ay u baahan yihiin waqtiga fog dadka dhibaatada ay hayso, si loogu sameeyo shaqo, waxbarashana loo siiyo.
 

Leave a Reply