Kuuriyada Waqooyi oo Dayax gacmeed Hawada u Direysa

0
455

Kuuriyada Waqooyi ayaa sheegtay inay doonayso inay hawada u dirto dayax-gacmeed, iyadoo ay jirto cabsi ah in Pyongyang ay tijaabinayso hub kiimika ah.
Hay’adda caalamiga ah ee la socodka dhaqdhaqaaqa badaha ayaa sheegay in tijaabadaasi la fulin doono bishan Febarweri.
Kuuriyada Waqooyi ayaa bishii tegtay tijaabisay hub kiimiko ah, kaas oo sababay cambaareyn caalami ah.
Mas’uuliyiin Mareykan ah waxay sheegayaan in Pyongyang ay u diyaar garoobeyso inay tijaabiso gantaal gaadhi kara dalkooda.
Kuuriyada Waqooyi waxay ku doodaysaa in hanaankeeda dayax gacmeedka uu yahay mid nabad ku salaysan.
Balse waxaa jirto cabsi laga qabo in dalkaasi uu hub halis ah ku qarinayo mashruucaasi.
 

Leave a Reply