Ruushka oo Duqeymaha Siiriya Sii Wadaya

0
489

Wasiirka arrimaha dibedda Ruushka, Sergei Lavrov ayaa sheegay in milatariga dalkiisa aysan joojin doonin duqeymaha ay ka wadaan Siiriya inta “Ururada Argagixisada” ee halkaas jooga laga adkaanayo.
Hadalkiisa ayaa yimid iyada oo QM ay isku dayeyso inay sii waddo wada-hadallada aan cagaha badan ku taagan ee Siiriya, maalin kadib markii dowladda iyo mucaaradka Siiriya aysan wax wada hadal rasmi ah la yeelan ergeyga QM, Staffan de Mistura.
Levrov waxa uu si gaar ah u qeexay in kooxda xidhiidhka la leh Al-Qacida ee Jabhat al-Nusra ay tahay bartilmaameedka duqeymahooda, isaga oo sheegay inuusan arag sabab loo joojiyo.
Ruushka, ayaa waxaa dalalka reer galbeedka ay ku dhalleeceeyeen inay weerarada la beegsato kooxaha mucaaradka, intii ay beegsan lahayd mintidiinta, eedeymahaasi oo Ruusiya ay beenisay.
Xoghayaha arrimaha dibedda Mareykanka John Kerry ayaa ku baaqay in la soo geba gebeeyo duqeymaha, islamarkaana si deg deg ah xabad joojin looga dhaqan geliyo Siiriya.
 
 

Leave a Reply