Hargeysa(Dawan):- 8-dii nin ee habeen hore lagu soo qabtay buuraleyda gobolka Saaxil ee loo haysto dilkii Taliyihii qeybta Booliska Saaxil ALLE ha u naxariiste Gaashaanle Cabdirisaaq Yuusuf Maxamuud, ayaa shalay loo soo dhaadhiciyay magaalada Hargeysa, waxaana la sheegay in lagu xidhay xarunta ciidanka baadhista dambiyadda ee CID-da.
mid ka mid ah kooxdan dableyda ahayd oo dhaawac ah oo la yidhaahdo Maxamed Cabdi Jaamac (Madax-Yar) ayaa isaga la geeyay cusbitaalka guud ee Hargeysa oo laga dawaynayo dhaawacyadii soo gaadhay.
Ciidamada amaanka ayaa gacanta ku soo dhigay habeen hore sideed eedeysane oo ka mid ah 11 qof oo lagu tuhunsan yahay inay falkaas dilka ah fuliyeen Salaasadii la soo dhaafay isagoo Taliyuhu hawlo nabadeyn ah ku marayay deegaanka Biyooley ee barriga Saaxil.
.
Wararka aanu xalay ka helay gobolka Saaxil ayaa sheegaya in ciidammadda ammaanku ay wali ku dabo jiraan raacdadooda saddex ka mid ah Budhcadii jidgooyada ku dilay sarkaal ka tirsanaa ciidanka Booliska Somaliland.
Geesta kalena waxa shalay aas qaran loogu sameeyay magaaladda Berbera Taliyihii qeybta booliska Saaxil Marxuum-Cabdirisaaq Yuusuf Maxamuud (Casayr).
Dawannews Hargeysa office