Guddida Abaaraha Oo Qiimeeyay Taakulayntii La Gaadh Siiyay Gobollada

0
296

Hargaysa (Dawan):- Guddida gurmadka abaaraha heer qaran ee Jamhuuriyadda  Somaliland   ayaa shalay   fadhi ay ku yeesheen xarunta madaxtooyadda ee magaaladda Hargaysa   ayaa waxay qiimayn  ku sameeyeen  habsocodka hawlaha gurmadka abaaraha ee dalka.
Fadhigan oo uu gudoominayey Madaxweyne ku xigeenka Somaliland  Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), oo ay ku  weheliyeen wasiiro, Gudoomiyaha hay’adda ka hortagga, aafooyinka iyo maamulaha xafiiska samafalka, ganacsato iyo culimo-awdiinka xubnaha ka ah.
 
Sidaasina waxaa lagu sheegay warsaxaafadeed  shalay  ka soo baxay madaxtooyadda uu  ku saxeexanaa af-hayeenka madaxweynaha Cabdiraxmaan Sh. Cilmi Fahiye (Shamax). Waxaanay gudidu   miiska soo saareen qorshaha goobaha ilaa hadda wax lagu qaybiyey, xaddiga raashinka la gaadhsiiyey-goobahaasi, lacagta ku baxday gurmadka la fuliyey, god-daloolooyinka ka yimi, ama ka iman kara taakulaynta la fuliyey ilaa hadda, goobaha aan ilaa hadda waxba la gaadhsiin iyo qadhaanka loo baahan yahay hadda wixii ka dambeeya iyo dhinacyada laga heli karo qaadhaanka.
“Guddiga gurmadka abaaraha ee heer qaran, ayaa shalay  fadhi ku yeeshay hoolka shirarka ee qasriga Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland. Fadhigan oo uu gudoominayey Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), kuna weheliyeen wasiiro, Gudoomiyaha hay’adda ka hortagga, aafooyinka iyo maamulaha xafiiska samafalka, ganacsato iyo culimo-awdiinka xubnaha ka ah guddidaas oo fadhigan maanta  (shalay)  uu kala qayb-galay wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada, ayaa ujeedada fadhigu ahayd qiimayn lagu sameeyey habsocodka hawlaha gurmadka abaaraha ee dalka.
Guddigu waxay miiska soo saareen qorshaha goobaha ilaa hada wax lagu qaybiyey, xaddiga raashinka la gaadhsiiyey-goobahaasi, lacagta ku baxday gurmadka la fuliyey, god-daloolooyinka ka yimi, ama ka iman kara taakulaynta la fuliyey ilaa hadda, goobaha aan ilaa hadda waxba la gaadhsiin iyo qadhaanka loo baahan yahay hadda wixii ka dambeeya iyo dhinacyada laga heli karo qaadhaanka”ayaa lagu yidhi war-saxaafadeedkaasi.
 
Waxa kale oo  lagu sheegay war-saxaafadeedkaasi in kadib markii ay gudidu isla rog-rogeen  arrimahaasi ay qiimaynta ku samaynayeen   waxay   soo saareen  qodobo ay iskula  qaateen sida ay hawluhu u socdaan. “Rogrog badan iyo aaraah lays-waydaarsaday ka dib iyo warbiximo ku saabsan goobaha wax la gaadhsiiyey iyo sida loo gaadhsiiyey oo la dhegeystay ka dib waxa laysla qaatay:
In ilaa hada sida loo shaqaynayaa ay tahay xilkasnimo, wadaniyad iyo dawladnimo,In sida ugu hufan uguna cadaaladsan lagu wado shaqada wejigeeda labaad ee hadda bilaabmaya, yoolkuna ahaado siday jiiduhu u kala daran yihiin.In la dardar geliyo wejiga labaad ee taakulaynta lana gaadhsiiyo meelihii aan hore loo gaadhsiin ee dalka oo dhan.In guddida heer qaran ee madaxweynuhu magacaabay, gudoomiyena uu u yahay madaxweyne ku xigeenka Somaliland,  ay tahay guddida sharci ahaan u xilsaaran hawlaha taakulaynta abaaraha ee dalka, cidkasta oo taakulo waddana ay soo wargeliso guddida heer qaran xaddiga taakulada ay waddo, guddiga heer qarana ay u sheegto goobta ugu daran ee la geyn karo, Ururka samafalka ahi, ha ahaado mid waddaniya ama mid dawladeedba ee guddida qaranka xidhiidhin waaya in tallaabo laga  qaado”.
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply