Tog-wajaale (Dawan): Gudoomiyaha degmadda Tog-wajaale ee gobolka Gabiley Md. C/casiis Saleebaan Xasan, ayaa beeniyay war ay qoreen qaar ka mid ah wargeysyadda oo sheegayay in uu bur-buriyay Bali ama Dhaam ay dad shacab ah lahaayeen oo ku yaalay magaaladda Wajaale.
Waxaanu waxba kama jiraan ku tilmaamay guddoomiyaha Wajaale warkaasi, isagoo sheegay in uu yahay mid aan sal iyo raad toona lahayn, isla markaana mala-awaal ah oo aanay waxba ka jirin.
C/casiis Saleebaan Xasan, oo xalay telefoonka kula soo xidhiidhay wargeyska DAWAN isagoo joogay magaaladda Wajaale, ayaa sheegay in uu aad ula yaabay warkaasi ay isaga ka qoreen wargeysyadaasi.“Warkaasi waa mid aanay waxba ka jirin, mana jirto meel aan anigu ku aasay ama ku bur-buriyay Bali ay dad shacab ahi lahaayeen, xataa ma jirto in aan baabiiyay Moos ama gacanka biyaha loogu soo duwo Baliyadda. Waana wax aad loola yaabo in ay wargeysyadaasi qoraan war aan jirin oo malo-waal ah”ayuu yidhi C/casiis Saleebaan.
Waxa kale oo uu sheegay guddoomiyaha magaaladda Tog-wajaale in uu ka rabo wargeysyadii warkaasi qoray cadaynta arrintaasi, isla markaana ay keenaan halka uu ku yaallo Baliga uu aasay ama bur-buriyay.Waxaanu yidhi “Waxaa laga rabaa wargeysyadii warkaasi qoray in ay keenaan cadaynteedda, Baliga aan bur-buriyay iyo meesha uu ku yaallo iyo cidda iska lahayd iyo sababta ay u qoreen warkaasi beenta ah. Waxaanan ka doonayaa wargeysyadani in soo cadeeyaan beenta ay iska qoreen, ee aan salka lahayn, waana in ay soo bandhigaan sawiradiisa Baliga ay leeyihiin guddoomiyaha ayaa aasay.”
Guddoomiyaha oo aanu waydiinay sababta loo aanayn karo in ay wargeysyadaasi qoraan warkaasi aan jirin, waxa uu ku jawaabay “Waa wax lala yaabo in arrin aan jirin la iska qoro, waxaanan filayaa in cid u jeedo leh ay u dhiibtay ama u gudbisay, kadibna iyagoon iska hubin ay iska qoreen” ayuu yidhi guddoomiyaha magaaladda Tog-wajaale.
Dawannews Hargeysa office