Hargeysa(Dawan): Komishanka doorashooyinka qaranka Somaliland ayaa shalay u kala diray 200 oo shaqaale ah oo ka hawlgeli doona 84 goobood oo ku yaalla gobolka Saaxil oo ay maanta si rasmi ah uga bilaabmayso diiwaan-gelinta codbixiyayaashu.
Guddoomiyaha Komishanka doorashooyinka C/qaadir Iimaan Warsame oo warbaahinta kula hadlay magaaladda Berbera waxa uu sheegay in 84 goobood loo qoondeeyay in gobolka Saaxil ay ka bilaabmayso diiwaangelinta codbixiyayaasha, Waxaanu yidhi “Waxaanu maanta (shalay) u diraynaa shaqaalihii ka hawgali lahaa goobihii iyo agabkii gaadiidkii ka hawlgalayay, diiwaangelinta codbixiyayaasha ee maalinta bari ah (maanta) ka bilaabmi doonta gobolka Saaxil. saaka subaxnimadii (shalay) ayaa la bilaabay, sida aanu ku rejo waynahayna waa inay gaadhaan qalabka lagu qabanayo diiwaangelinta shaqaalaha ka hawlgalayaa iyo gaadiidkuba ay gaadhaan goobihii loogu talogalay, oo ah 84 goobood.”
Marwo Kaltuun Sheekh Xasan, oo ka mid ah xubnaha komishanka doorashooyinka, isla markaana u qaabilsan komishanka gobolka Saaxil, ayaa u soo jeedisay dadweynaha gobolka Saaxil inay ka qaybgalaan diiwaangelinta codbixiyayaasha. “Dadweynaha gobolka Saaxil waxaan u soo jeedinayaa in ay soo dhaweeyaan shaqaalaha diiwaangelinta codbixiyaasha ka hawlgelaya, dadkuna ay is diiwaangeliyaan sidii loogu talo galay. Diiwaangelintuna waa furihii doorashadda lagu geli lahaa, qof waliba ha ka hawl galo sidii uu u qaadan lahaa kaadhka diiwaangelinta codbixiyayaasha” ayay tidhi Kaltuun Sheekh Xasan.
Sidoo diiwaan-gelinta codbixiyeyaasha ayaa maanta ka bilaabmaysa goboladda Hawd iyo Gabiley iyo degaamadda hoos yimaadda. Waxaanay sheegayaan wararkii u danbeeyay ee aan goboladaasi ka helnay in si buuxda loo kala diray qalabkii iyo shaqaalihiiba, isla markaana ay si nabad ah ku gaadheen goobihii loogu talo galay.
Diiwaan-gelinta codbixiyeyaasha ayaa hore uga soo qabsoontay goboladda Togdheer iyo Awdal, iyadoo gobolka Saaxil uu noqonayo kii saddexaad ee ay diiwangelintu ka dhaco.
Dawannews Hargeysa office