Isbitaal ku yaalla bariga Shiinaha ayaa sameeyay horumar caafimaad , kaasi oo aabayaasha u soo bandhigay qalab caafimaad oo lagu xidhayo. Qalabkan ayaa aabaha dareensiinaya xanuunka hooyada ee foosha. Arintan ayaa loola jeedaa inay waalidiinta aabayaashu dareemaan xanuunka foosha si ay ugu naxariistaan xaasaskooda iyo hooyoyinkood. Qalabka oo laydh ku shaqaynaya ayaa lagu xidhayaa dareemaayasha caloosha. Barnaamijkan caafimaad ayaa muujiyay in xanuunka qalabkani keenayo uu la mid yahay kan foosha sida ay cadeeyeen dumarkii lagu tijaabayay kuwaasi oo sheegay in ay ba moodayeen inay foolanayso.
Nin lagu xidhay qalabkan ayaa sheegay inuu xanuunka fooshu yahay mid aad u xanuun kulul, oo aad moodaysay inay keliyuhu ka soo dhacayaan. Qalabkan Waxa hagaysa gabadh kalkaaliso ah oo ka joojinaysa qofka lagu xidhay dhawr daqiiqo ka dib oo ah marka la dareensiiyo xanuunka dhalmada hooyada. (Reuters)