Dabar Go’a Xooluhu Waa Aafo Qaran oo Ka Hor Tag Innooga Baahan

0
304

Mar kasta oo ay abaaro dalka soo maraan waxaynu arkaynaa in Xoolihii noolaa ee aynu dhaqanaynay ay u lee’ayanaan diifta abaarta soo food saartay ee la dariska noqotay.

Hadaba maxaa xal waara looga gaadhi wayay si looga gaashaanto abaarta xoolaha innaga dabar jaraysa? In kasta oo abaartu ay tahay qadar ALLE tahay oo aan la baajin karayn hadana wax kasta oo soo noq noqda waxaa laga smaystaa gaashaan lagaga badbaado oo xal ka noqda dhibaatada iyo saamaynta ay leedahay ama keeni karto abaartu.

Aadamuhu wuxuu furdaamin  karaa wax kasta oo uu isku dayo in uu wax ka qabto oo awoodiisa ku xidhan,taasina waxay ka mid tahay awoodaha ALLE aadamaha siiyay,waxaana dunida soo mara abaaro ka waawayn kuwa aynu aragno hadana dadyawga caalamku waxay samaysteen oo ay caqli iyo awoodba galiyeen sidii ay kaydad uga sii dhigan lahaayeen ay kaga hortagaan masiibada abaartu ay keeni karto.

Hadaba bulshada reer Somaliland oo xoolo dhaqato ka soo jeeda dawlad iyo shicibna ay noloshoodu ku xidhan tahay xoolaha nool ayaad moodaa in lagu baraarugayo oo kaliya marka ay abaaro yimaadaan badbaadinta Xoolaha iyo daaqsatada ay abaaruhu ku dhufteen laakiin marka  abaaraha laga gudbo la iskuma deyayo in abaar dambe laga sii gaashaanto taasina waxay sabab u noqotay in mar kasta oo ay abaaro yimaadaan in xoolo badani inagag lee’daan iyadoo xoolaha inagaga baxay abaartu ay noqonayaanqayb ka mid ah lafdhabarkii dhaqaalaha dalkeena oo inaga baxay una baahan in la soo buuxiyo.

 

 

Hadaba guud ahaan bulshada Somaliland Xukuumad iyo shicibba waxaa loo baahan yahay in la iska kaashado oo la wada sameeyo qorshe cad oo lagaga  gaashaamanayo in ay abaaraha soo noq noqdaa xoolo kale inaga sahaydaan iyo in ay halis gasho nolosheenu.

Waxaana lagag gaashaaman karaa oo iyadoo tallaabooyin qaran la wada qaado oo aan dano gaar ah oo shaqsiyadeed,deegaan iyo beeleed midna loo eehayn ama lagaga hor imanayn in la is waydiiyo maxaynu kayd ka dhigan karnaa ee Xoolaha nool u dan ah ee noloshooda badbaadin karaa isla markaana daaqsatadu ku noolaan karaan korna u qaadaya baahiyahooda nololeed?

Haddii inta su’aashaa si qaran la isu waydiiyo isla markaana wada jir looga hawl galo oo aan dan qof,qabiil,deegaan, xisbi iyo arrin siyaasadeed midna aan la dhex galin oo qaran ahaan loo wada dhaqaaqo waxaa hubaal ah in Xooleheena noloshooda aynu kayd iyo saad mugeyn aynu uga smayn karno oo aynu kaga gaashaaman karno abaaraha soo noq noqda innaga sahayda duunyo tiro badan  xilliyada qaarna ay dad inaga raacaan.

1.In la helo Seerayaal qaran oo xoolo daaqsimeed ah oo xoolaha loo xidho isla markaana xilliyada abaarta kayd u ah oo dalku leeyahay cid gaar ah iyo deegaan gaar ahna aan u xidhnayn oo saad u ah xoolaha kuna baxsadaan xilliyada abaaruhu ay dalka ka jiraan,iyadoo Xukuumaddu qorshahaa bilawday ayaa loo baahan yahay in lagu gacan siiyo oo wada jir looga hawl galo loona arko in ay tahay mid lagama maarmaan ah oo dalka iyo dadka faa’iido u ah oo qaranku leeyahay,waxaana loo baahan yahay si seerayaal qaran loo helo in deegaanada laga samaynayo Seerayaashu ay noqdaan kuwo ku habboon oo ah dhul marka la xidho ay ka soo hadhayaan dhul daaqsimeed duunyada deegaanka foof ahaan ku filan,in ay lahaadaan kayd biyood oo xoolaha u xidhan isla markaana xilliyada biyo la,aantu ay jirto oo kali ah loo furo xoolaha nool iyo dadka daaqsatada ahba. In Seerayaasha kaydka ahi badbaado  u yihiin guud ahaan xoolaha Somaliland deegaan kasta  ha ku dhaqnaadaan e oo xilli abaareed marka uu soo maro la keeno karo xoolaha jiilaalku ku dhufto kuna noolaan karaan calafka xoolaha ee kaydka u sii ahaa.

2.La dagaalanka dhul boobka lagu hayo dhul daaqsimeedka la iska wada ootay ee qofba inta uu gaadhi karo weegaartay ee uu beeraha ku sheegay isagoo aan wax tacab ah galin dhulaas isal markaana ka ganacsada calafka xoolaha ee ka soo baxa kuna dooda in ay tahay beertiisii. Haddii iska oodashada dhul daaqsimeedka wada jir loola dagaalamo oo aan loo arag beertii reer hebel iyo in deegaankii reer hebel beero laga baabiiyay oo gacan laga wada geysto in lala dagaalamo dhul daaqsimeedka dalka cid kasta oo sharci darro ku oodata isla markaana loo arko qof ku gefay sharciga dhul daaqsimeedka oo la helo dhul daaqsimeed ka bad qaba iska oodasho iyo nin sheegta in ay beertiisii tahay taasoo imika ah mushkilad ka jirta dalka oo xoolohiiba ay waayeen dhulkii ay daaqi lahaayeen.taasoo isla markaana ay in yar oo la xaaluf ah.taasina waxay sabab u noqotay in ay Xooluhu u lee’daan calaf la,aan ka dib markii dhul daaqsimeedkii calafkoodu ka baxayay la wada sheegtay.

3.Dhuxulaysiga oo u baahan in si cilmiyan ha looga guuro oo dalkan loo helo wax kale oo dhuxusha dhulka xaalufka ka dhigtay lagaga gudbayo taasoo inta aan la helin wax lagaga maarmo ahaanaysa caqabad taagan oo nolosheenana  lagama maarmaan u ah.

4.Deegaamaynta iyo dhismayaasha laga yagleelo dhul daaqsimeedka,ayaa ka mid ah caqabadaha hir taagan in ay xooluhu helaan dhul ay daaqaan inta aynu ku doodayno in reer hebel meel deegaan u leeyahay oo uu magaalayn karo suuragal inooma ahan in aynu samaysano kayd iyo saad aynu xooleheena iyo daaqsatadu kaga gudubto halista ay abaaruhu ku hayaan.

Bal is waydii  akhriste haddii aynu dhulkii u qaybsanay .dhul beereed been ah  oo la iska ootay. Deegaan reer hebel magaaleeyay iyo inta hadhay oo aynu dhuxul ku xaalufinay sida ay u noolaan karaan ddadkiixoolo dhaqatada ahaa iyo duunyadii aynu ku wada faanaynay.

Wax ka qabashada arrimahaa aynu ka soo hadalnay haddii wax laga qabto ayaynu  xal u heli karnaa badbaadinta xoolaha iyo daaqsatadaba isla markaana aynu badbaadin karnaa duunyo badan oo abaaraha inagaga lee’ata.

 

 

 

 

 

Leave a Reply