Neefka Ishin ayaa waxaa ka faa’iidaysta xerada illaa dabka dad aad u fara badan oo kal hela nolol maalmeedkooda.Neefka Ishin marka ugu horraysa waxaa munaafacaadkiisa dheefsada oo ugu horreeya qoyska uu xeradooda ka soo baxay ee sayladda keenay laakiin inta aan la kala iibsan waxaa neefka Ishin laga qaadaa Canshuurtii dawladda hoose ee Sayladda iyo tii dawladda dhexe intaa ka dib waxaa neefka u gudbaa marxaladda iibka waxaan lacagta hadba uu gooyo neefku ay u kala gudubtaa mulkiilaha neefka,dillaalka sayladda jooga xeroolihii xalay bariiyay iyo waliba dhawr qof oo kale oo sayladda siyaabo kala duwan ugu nool.
Intaa ka dib waxaa mar labaad ka faa’iidaysta oo neefka Ishin lacag ka hela xeroole mar labaad hooya oo haya iyo caws ka ganacsadeyaasah oo caws looga iibiyo intaa ka dibna waxaa mar sadexaadka ka faa’iida kawaanka gawraca Xoolaha oo ka qaata lacagta gawraca. Neefii isagoo nool waxaa ka faa,iiday dawladda oo canshuuro kala duwan ka qaadatay laba xeroole caws iibiyeyaal,dillaal kawaankii gawraca iyo qoskii uu xeradooda ka soo baxay.
Markii uu cado noqday ee neefkii hilbo isku bedelay waxaa ka hela nolol maalmeedkooda hilibleyaasha kala duwan ee ka ganacsada cadaha Xoolaha waxaanay u kala baxaan kuwo iibiya cadaha waawayn ee ay hudheeladu kariyaan waxaana mar kale ka macaasha hilibleyaal kala duwan oo u kala baxa hilibleyaasha waawayn ee hudheelada wax ka iibiya iyo kuwa loo yaqaan jiidhlayda oo iibiya inta ugu yar cadaha neefka Ishin,waxaana mar labaad ka faaiidaystay hilibleyaal kala duwan iyo hudheelo dib u sii iibsday oo cunto ahaan u iibiyay cadkii xoolaha.
Waxaa kale oo iyaguna ka faa’iidaysta oo nolol maalmeedkooda ka hela haween ka ganacsada beerka nefka ishin oo iyaguna quraaco ahaan u iibiya neefka Ishin waxaa kale oo ka faa,iidaysta haweenka ka ganacsada Muqmada oo qaybo ka mid ah cadihisa ka dhiga Muqmad.
Haddaba waxay is waydintu tahay hal neef oo ishin ah ayaynu aragnaa sida uu daruuri ugu yahay nolosheena iyo inta qof ee mid kastaa ka socdo qoys uu uu soo kalahay ee ku nool nolol maalmeedka ay kala soo bexeen neefka Ishin ee xeradiisii ka soo baxay.
Haddaba miyaan loo baahnayn in aynu u gurmano xoolaha sii hammaanana ee abaarta ku lee’anaya qarkana u saran n ay dabar go’aan.
Mar kasta oo aynu ku dedaalno in aynu horumarino nolosha xoolaha nool waxaynu ku guntanay oo anaynu badbaadinay ama ugu yaraan wax ka qabanay qayb ka mid ah mustaqbalka jiritaanka nolosheena oo aynu ka hor tagnay khatad caydheed oo ku soo fool leh laakiin haddii aynu daawasho kaga jawaabno dabar go’a xoolaha ogow dadkuna in uu ku xigi doono oo aan duunyo kali ahi dhammaanayn ee ay dad iyo duunyo labaduba is raaci doonaan.