Laba Qof oo Gaajo iyo Harraad ugu Dhintay Degmada Badhan

0
547

Badhan (Dawan)- Laba caruur ah oo ay da’doodu u dhaxayso 7 jir iyo 13 jir ayaa gaajo iyo harraad ugu geeriyooday deegaanka Tiincarro oo dhinaca koonfureed kaga beegan degmada Badhan ee gobolka Badhan

Guddoomiye ku xigeenka degmada Badhan Cawil Maxamuud Jaamac (Cawsha), ayaa warbaahinta u xaqiijiyay geerida caruurtan, waxaanu sheegay inay labadaas qof  ay harraad iyo gaajo ugu dhinteen deegaanka Tiincaro, fiidnimadii habeen hore, taasi oo ay saamaysay abaarta ba’an ee sii siyaadeysa ee ka jirta deegaanka.

Dhacdadan ayaa ku soo beegmaysa xilli ay halkaasi maalmihii u danbeeyey ku sugnaayeen wefti xukuumadda ka socday  oo uu hogggaaminayey Wasiirka Gaashaandhiga Axmed Xaaji Cali Cadami oo ka mid ah guddida gurmadka  abaaraha ee jamhuuriyada Somaliland.

Guddoomiye ku xigeenka degmada Badhan ayaa dhacdadan ku tilmaamay inay ahayd mid naxdin iyo tiiraanyo leh, isagoo dhanka kalena baaq dheer u diray xukuumadda Somaliland iyo guud ahaanba ummada Islaamka in loo soo gurmado dadka ku nool deegaankaas.

 

Cawil Maxamuud waxa kale oo uu sheegay in xaaladda abaareed ee ka jirta deegaankaasi ay marayso meel halis ah, isla markaana loo baahan yahay in loo istaago sidii gurmad deg deg ah loola gaadhi lahaa, waxaanu tilmaamay in wakhtigan lagu jiro ay dadka deegaankaasi ka baxeen xoolihii ay dhaqanayeen, loona baahan yahay in la badbaadiyo nafahooda.

Abaartan dalka ka taagan gaar ahaan gobollada bariga Somaliland ayaa lagu qiyaasay in ay saamaysay dad lagu qadaray hal milyan iyo badh ka mid ah bulshada ku dhaqan gayiga Somaliland, waxa kale oo ku barakacay in ka badan nus malyuun qof. Iyadoo ay haraad iyo gaajo u dhinteen dad ku dhow toban qof.

Xukuumadda Somaliland iyo Guddida gurmadka abaaraha oo iskaashanaya ayaa ku hawlan badbaadinta bulshada abaarta kululi tabaaleysay.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply