Hargeysa(Dawan)-Xildhibaan Mubaarik Yuusuf Cilmi Mubaarik Bidhi oo ka mid ah Golaha deegaanka degmada Burco ee gobolka Togdheer, ayaa walaac ka muujiyay heerka ay marayso abaarta ka jirta goballada bari ee dalka.
Mubaarig Bidhi oo shalay qaar ka mida warbaahinta kula hadlay magaalada Hageysa, ayaa sheegay in uu ugu deeqay labo bilood oo mushaharkiisii ah dadka abaartu hayso ee ku dhaqan gobolka Togdheer,waxaana uu xusay in dadkii abaartu saamaysay ay soo galeen magaalooyinka gobolka gaar ahaan magaalada Burco.
“Abaarta ka jirta dalka gaar ahaan goballada bari, waa mid aad u ballaadhan haddii ay tahay dawladda iyo tahay shacabka reer Somalilandba, gudo iyo dibadba si mugleh ayay gacan uga gaysteen abaartan jirta,walina abaartu waa taagan tahay waana abaar oo baahsan oo dad iyo duunyaba saameysay,”ayuu yidhi Xildhibaan Mubaarig Bidhi.
Waxa kale oo uu intaas ku daray, “Dadkii abaartu saameysay, waxay soo galeen magaalooyinka dadkii xooluhu ka dhammaadeen intoodii ugu badneyd waxa ay soo galeen gobalka togdheer,caawimo ayaa xukuumaddu gaadhsiiyay 25 kun oo qoys oo ka soo bara kacay abaarta jirta. gole deegaan ahaana 50 kun oo doolar ayaan miisaaniyada ugu darnay dadkaa abaartu hayso. aniguna ka xildhibaan ahaan waxa mushaharkaygii bilihii ugu dambeeyay ugu deeqay dadkaa naafeysay iyo in ka badanba.”
Sidoo kalena, waxa xildhibaanku ku bogaadiyay madaxweynaha saraakiil ka tirsan ciidanka qaranka oo uu dallacsiiyay, waxaanu yidhi, “Waxaan halkan Hambalyo iyo Bogaadin uga dirayaa Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland iyo xaasaskooda oo aan ku Bogaadinayo sannad guurada 23-aad ee ka soo wareegtay aasaaskooda markii dhidibka loo taagay sannadkii 1994-kii.
Ciidanka Qaranku waa muraayadda iyo hal-beega dawladnimadeenna bilay, waanna geesiyaal dhiigooda u huray inay cadowga dibada ka jiraan dalkooda qiimaha adag ku jooga. Waxaan ILAAHAY uga baryayaa inuu sannadkan sanadkiisa ku gaadhsiiyo bash-bash iyo barwaaqo. Waxaan madaxweynaha ku bogaadinayaa tallaabada uu ku dalacsiiyay 4393 sarkaal oo ka tirsan ciidanka qaranka
Waxa kale oo aan ku ammaanayaa Madaxweyne Siilaanyo, siday iskaga xil-saartay tayaynta iyo kor u qaadista karaammada ciidammada qalabka sida. Haddii ay tahay bixinta derajooyinka ciidanka, qalabeyntooda iyo mushahar iyo gunno u kordhintoodaba.”
Dawannews Hargeysa office