Booliska Turkiga ayaa xabsiga u taxaabay 445 qof oo lagu tuhunsan yahay in ay xidhiidh la leeyihin dawladda islmaamiga ah ee Daacish la baxday.
Sida ay sheegtay warbaahinta dowladdu weeraro qorsheysnaa ayaa subaxnimadii hore lagu qaaday 18 gobol, waxana tuhun lagu soo qabqabtay dad badan.
Dadkaasi la xidhay ayaa u badnaa ajaanib , waxaaana ka mid ahaa 60 loo qaaday casimada Aankara.
Daacish ayaa sheegatey masuuliyada weerarkii sannadaaaka cusub lagu qaaday goob caweys oo lagu dilay 39 qof.