Haiti oo loo Dhaariyay Madaxweyne Cusub

0
284

Dalka Haiti  ayaa waxa loo dhaariyay madaxweyne cusub kadib qalalaase siyaasadeed  oo qaatay in ka badan sannad.

Madaxweyanaha cusub ayaa ah Jovenel Moise, 48- jir ka ganacsada muuska oo u  dhoofiya dibadda, waxana lagu dhaaraiyay xaflad ka dhacday aqalka  shacabka.

Ninkii xilka uga horeeyay  oo ahaa , Michel Martelly, ayaa ka degay xilka markii waqtigiisii dhamaadey sannad ka hor, waxana beddelay madaxweyne  ku meelgaadhka ah kadib markii ay ku kala bixi waayeen  natiiijadii doorashadii raggii ku loolamayay.

.Dalka Heyti ayaa ah dalka ugu faqiirsan Ameerika.

 

Mr Moise,  oo aan weligi soo qaban xafiis dowladeed waxaa u  soo magacaabay inuu xukunka uga danbeeyo  Mr Martelly sannadkii 2015 oo u doortay musharax..

 

Leave a Reply