Khubaro Caafimaad Oo Digniin Kasoo Saaray Habka Bariiska Loo Kariyo

0
296

Khubaro caafimaad oo ku takhasusay dhanka Biology-ga ayaa soo bandhigay daraasad cusub oo ay dhowaan sameeyeen, taas oo ay kaga hadlayaan khatarta ku gedaaman bariiska loo sameeyo habka dhaqanka hore kazoo jeeda.

Khubaradan ayaa sheegay  in habka bariiska waqtigan loo sameeyo oo ah hab ku xidhan ama ka yimid dhaqankii hore ee wax karsigu yahay mid khatar caafimaad ku haysa dadka , gaar ahaana habka bariiska la saaro daboolka aan banaanada ama daloolada lahayn.

Waxay sheegeen in qiiqa ka soo baxa bariisku uu dibada usoo saaro sun badan oo ku jirta Bariiska, taas oo kaga hadha marka la maydho, taasina ay dib ugu celiso bariiskaasi marka daboolka la saaro .

Suntan ayay ku tilmaameen tu ka timid Kiimikooyinka kala duwan ee lagu buufiyo bariiska marka lasoo jaro iyo marka la beeraayo , kuwaas oo ka ilaaliya inuu is bedelo iyo inuu cuno cayayaanka yar yari.

Kiimikooyinkan ayay sheegeen inay keenaan in uu qofku qaado xanuuno kala duwan ,kuwaas oo ay kamid yihiin Wadne Xanuunka oo qofku yeesho, Macaanka iyo Cancer-ka oo isna ku dhaca qofka bariiska noocaasi u karsada .

Khubaradan ayaa intaasi ku daray in loo baahan yahay in qofku marka uu karsanaayo Bariiska looga baahan yahay inuu ku daboolo digsiga ama dheriga uu ku karsanaayo dabool dusha shaandho ka ah, kaas oo u sahlaaya ama u fududaynaaya inay suntaasi hab qiiq ahaana uga baxdo .

Andy Miharg oo ah bare ka tirsan jaamacadda Queen’s University ayaa sheegay in loo baahan yahay in dadku bartaan habka karinta bariiska oo saddex nooc noqon karta, taas oo ka bad baadin karta dadka khatarta suntaasi .

Saddexdan hab ayay ku sheegtay ka koowaad in lagu kariyo bariiska digsi la saaray dabool shaandho ah, halka ay habka labaadna ku sheegtay in digsiga lagu shubo biyo aad u badan oo gaadhaaya ilaa 5 leter oo biyo ah , kadibna hadhow laga shaandheeyo iyadoo weel shaandho ah la adeegsanaayo iyo ta saddexaad oo ah in dhawr jeer lagu maydho biyo kulul.

Mihrg u waramaysay wargeyska Daily Mail oo uu wargeyska Dawan warbixintan kazoo xigtay ayaa sheegtay in bariiska laga soo saaro wadanka Ingiriisku uu 58% yahay mid ay ku jirto suntan loo yaqaano Arsenic oo aad u khatar badan, loona baahan yahay inay dadku digtooni badan ka qabaan .

 

 

 

Leave a Reply