Hargeysa (Dawan)- Barnaamijka dooda ah ee la yidhaahdo ‘Waxay ila tahay’ ee ka baxa laanta Afka-soomaaliga ee BBC-da, ayaa shalay lagu falan-qeeyay heshiiska saldhigga Millatari ee Imaaraadka Carabtu ka samaysanayso Berbera. Waxaa dood adag oo xiiso badneyd ku dhex martay Wasiirka madaxtooyadda Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi iyo Guddoomiyaha wakiillada ahna Murrashaxa madaxweynaha ee xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro).
Waxa kale oo doodaas ka qaybgalay Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar iyo Dr. Maxamed Cabdi oo labaduba ahaa aqoonyahanno ka soo horjeeda qaddiyada madax-bannaanida Somaliland isla markaana naqdiyay heshiiska Somaliland ku bixisay saldhigga Millatari.
Wasiir Maxamuud Xaashi Cabdi oo ugu horrayn sharraxayay heshiiska lagu aasaasayo saldhigga Millatari ee ay wada-galeen Somaliland iyo Imaaraadka Carabtu waxa uu yidhi, “Heshiiskani waxa uu xoojinayaa amniga iyo nabgelyada guud ahaan mandaqada gaar ahaan marin biyoodka badda cas ee Somaliland, amniga ayuu wax ka tarayaa wuxuu wax ka tarayaa dhaqaalaha iyo horumarka dalkan, waanan kiraynaynaa saldhigan, mashaariic ayaa naloo qabanayaa oo la fulinayaa oo waawayn oo laf dhabar dalka u noqon doona, wuxuu maalgalinayaa mashaariic kale iyo maalgashiyo waawayn, siyaasadda xukuumadanina waxa weeye in aanu dalkan u abuurno saaxiibo dhaqaale iyo ganacsi, waxa Somaliland u soo kordhinayaa saaxiibo cusub, waxa uu abuurayaa dano caalamiya oo kor u qaada siyaasadda qarankan.
annagu waxa aanu nahay dal dimuqraadiya oo tusaale Afrika u ah. labada gole ee sharci dajinta ayaanu hor-gaynay heshiiskan, wadamada nagu xeerana saldhigyo millatari ayaa ka jira, mid baarlamaan la geeyayna ma jiro. annaguna ma lihin in golayaashu ka doodaan iyo in ay diidaan iyaga ayaa xaq u leh maanu afduubin cidna maanu muquunin cidna maanu jujuubin, waxa aan maqlayay xildhibaanno ayaa lagu xadgudbay, xeer ayay golayaashu leeyihiin lagu maamulo, mudanuhuna waxa uu xaq u leeyahay doodiisa in uu dhiibto, manaan faro-galin geedi socodkii shirka guddoomiyihii shirka guddoominayay oo xeerku siiyay in uu fadhiisiyo ciddii ku xadgudubta shirka ayaa guddoominayay, toban xildhibaan xaq uma laha in ay afduubaan inta kale intii Cabdiraxmaan hor kacayay ayaa doonayay in ay afduubaan shirka golaha aqlabiyadu waxa ay ahayd intii codaysay.”
Wasiirka Madaxtooyadda oo la weydiiyay sida uu u arko in Soomaaliya ay dawladda imaaraadka ka dacwaynayso jaamacadda carabta, waxaanu yidhi “Annagu kuma jirno dawladda Federaalka Soomaaliya, waxa aanu nahay dal madaxbannaan shan iyo labaatan sanno ayaa Soomaali kala maqan tahay, haddii talabaadaas Soomaaliya ku kacaan waa godob, waa utun iyo arrami horleh oo Soomaali la sii dhex dhigayo, waanu ka digaynaa, waanu u caqli celinaynaa, waxa aanu nahay ummad madax-bannaan oo xaq u leh in ay dhisanto, iyagu (Soomaaliya) saldhig ayay bixiyeen oo Turkey ayaa degan, dekedoodii ayay dhisteen. caqliga odhanaya idinku waxba ha dhisanina iyo cid waxba lama geli kartaan waa caqli Soomaali kala durkinaya, waa ka digaynaa, waxay khilaafsan tahay heshiiskii ay kala saxeexdeen madaxweynaha Somaliland iyo madaxweynihii hore ee Soomaaliya ee ay ku galeen Jabuuti ee ahaa in aan la carqaladan arrimaha horumarka iyo mashaariicda, nasiib darro walaaladayo xisbiga Waddani ee Cabdiraxmaan ka mid yahay waa la mowqif dawladda Soomaaliya.”
“Cabdiraxmaan waxa uu ka mid yahay ragga u sharaxan hoggaaminta dalkan (Somaliland), waana in uu ixtiraamo aqlabiyada golayaasha uu mid ka mida madaxda ka yahay, waana ku waajib arrintaasi. waana dhaliilayaa in uu doodii ka baxay isagoo guddoomiyhii golaha wakiillada ah, berri ka maalina haddii natiijada doorashada laysku qabto ma sidaas ayaa loo murmayaa,” ayuu yidhi Maxamuud Xaashi.
Murrashaxa madaxweynaha xisbiga WADDANI,ahna guddoomiyaha golaha wakiillada Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo isaguna aragtidiisa ka dhiibtay doodaas, ayaa waxa uu yidhi “Waxa aan u arkaa cawaaqibka saldhigani in aanu Somaliland saaxiibo u keenayn oo aanu nabadgelyo u keenayn ee uu nabadgalyo xumo u keenayo Somaliland, saldhigani wuxuu cadaw badan u samaynayo Somaliland oo diyaarada ka kacda Berbera ee Yemen duqaysaa ay jawaabi ka iman doonto aan ka farxin shacabka Somaliland oo qaranimada Somaliland halis ku noqon doonta.”
Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar iyo Dr. Maxamed Cabdi ayaa iyaguna doodooda ka dhiibtay sida ay u arkaan heshiiska xukuumaddu la gashay Imaaraadka Carabta ee saldhigga milatari kaga samaysanayaan magaalada Berbera, waxaanay aaminsanaayeen inuu saameyn taban ku yeelan doono Somaliland.
Dawannews Hargeysa office