Wasiirka Daakhiliga oo ka Hadlay Shaqaaqo ka Dhacday Hargeysa, Caqabadaha Hor-taagan Fulinta Go’aamadii Sicir Bararka iyo Xaaladda Abaarta

0
306

Hargeysa(Dawan):- Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Jamhuuriyadda  Somaliland  Prof. Yaasiin Maxamuud Xiir(Faratoon), ayaa ka hadlay xaaladda abaarta ku habsatay Somaliland iyo siday u saamaysay nolosha dad iyo duunyo ee dalka gaar ahaan gobollada bariga Somaliland,sicir bararka iyo tallaabooyinka ay Xukuumaddu ka qaadayso.

Wasiirku Waxa kaloo  uu ka hadlay shaqaaqo  dhawr qof ku dhinteen oo ka dhacday deegaanka Kala-baydh ee gobolka Sool oo u sheegay in ay imika degan tahay isla markaana xaaladdu ay nabad tahay dawladduna ay gacanta ku hayso, lana xidhay sarkaal ciidanka qaranka ka tirsan oo shaqaaqadaas loo aanaynayo in uu ku lug lahaa.

Wasiir  Faratoon, wuxuu  sidaas  ku sheegay waraysi gaar ah oo  uu khadka Telefoonka ugu waramay   wargeyska Dawan isagoo ku gudo jira socdaal  shaqo oo uu ku  marayo gobollada Bari ee Somaliland.

Wasiirka oo ka jawaabayay su’aal laga waydiiyay shaqaaqadii dhawaan ka dhacday degaanka Kala-baydh ee gobolka Sool iyo talaabooyinka ay Xukuumaddu qaaday,waxa uu yidhi; “Horta shaqaaqadaasi way dhacday,  dadna  wuu ku dhintay waanan ka xunnahay ka dawlad ahaan in guud ahaan Somaliland in ay shaqaaqo iyo xabad gudaha dalkeenna laga riday cid innaga disho. laakiin qadarka iyo  geerida ayaanay ciddina baajin karayn.  markii ay shaqaaqau dhacday dawladdu degdeg ayay uga hawlgashay xaaladiina nabadgelyo ayay ku soo celisay sarkaalkii loo tuhmayay in uu shaqaaqada ku lug lahaana wuu xidhan yahay, xaaladuna waa nabad.wax dhib ah oo imika halkaa ka taaganina ma jirto. baadhitaanana way noo socdaan iyo sidii ay wax u dhaceen iyo ciddii sababta lahayd.”

 

Wasiirka oo ka jawaabayay su’aal laga waydiyay toogasho habeen sadexaad Hargeysa ka dhacday iyo in gacanta lagu soo dhigay eedaysaneyaashii sarkaalka iyo askariga toogtay,wuxuu yidhi;  “Toogashadaasi markii ay dhacdayba ciidanku wuu ka hawlgalay. walina  hawlgalkii way ku jiraan ciidanku taliyaha iyo askariga la  dhaawacayna way ladan yihiin sarkaalka toogashada geystayna ciidanku way ku dabo jiraan. waanu socdaa hawlgalka lagu soo qabanayaa waxaanan rejaynaa intaan la soo qaban in sarkaalka toogashada  geystay in uu ciidanka isu soo dhiibi doono.”
Wasiirka oo  ka jawaabayay in  marka la eego  baaxadda abaaraha ay xukuumadda uu ka tirsan yahay ay ka gaabisay taakulaynta dadka tabaaloobay;  “Horta abaartu dalka way ka jirtaa waanay ku sii ballaadhatay oo  meel adag ayay maraysaa dawladduna kamay gaabin ee gurmadkii ugu waynaa ayay ku jirtaa shaqo maalmeedka dawladda waxaa ugu wayn ee lagu saleeyayna waa abaarta sababtoo ah cidda ay abaartu saamaysayna waa dadkayagii kama

Mashquulayno,  laakiin xaaladda taagani waa mid Ilaahay oo kali ahi uu wax ka qaban karo, abaartu maaha xaalad dadku dabooli karo saamaynteeda ALLE,ayaan ka baryaynaa in uu innaga soo jabiyo oo Raxmaadkisa innoogu deeqo maantana dadku halis ayay ku sugan yihiin oo xataa dhimasho ayaa jirta. markaa waxaan leeyahay dadkeenaana wax haystaana waa maalintii dhaqashada maalku uu janno goynayay ee dadkiina soo caawiya oo waxaad tari kartaan tara,”ayuu yidhi Wasiirka Daakhiligu.

 

Wasiirka oo aanu weydiinay waxa go’aamadii xukuumaddu ka soo saartay suulinta sicir-bararku u fuli waayeen, waxaannu yidhi; “Waa run oo sicir bararkii wuu soo noqday oo halkiisii ayuu ku noqday,  waana dhibaato kale oo soo noqotay dawladduna kamay hadhin fulinta go’aamadii ka soo baxay ee lagula dagaalamayay sicir bararka laakiin waxaa jira waxyaabo badan oo sidii la moodayay noqon waayay laakiin go’aamadii ay Xukuumaddu ka soo saartay maaha qaar laga hadhayo guddigii hawshaa u xilsaarnaana way wadaan hawshoodii si deg deg ahna wax baa looga qabanayaana cid kasta oo ku lug leh sicir bararka iyo kor u kaca qiimaha Doollarkana tallaabo ayay dawladdu ka qaadi.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply