Madaxweyne ku-xigeenka oo Bogaadiyay Haween Weynaha Somaliland

0
353

Hargeysa(Dawan)- Ku-simaha Madaxweynaha ahna Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa shalay dhambaal hambalyo ah oo ku wajahan xuska maalinta haweenka adduunka, waxa uu u diray haween weynaha Somaliland oo uu ku bogaadiyay munaasibadda 8-da March.

Sidaasna waxa lagu sheegay qoraal uu soo saaray afhayeenka madaxtooyadda, Eng. Xuseen Aadan Cigge (Deyr), waxaannu u qornaa sidan;“Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ahna ku simaha Madaxweynaha Qaranka Somaliland wuxuu dhambaal hambalyo iyo bogaadin ah u dirayaa Haweenka Somaliland meel kastoo ay joogaan guddo iyo dibedba, iyo guud ahaanba Haween-weynaha Adduunku u dabaal-deggayaan Maalinta 8da March, oo ah maalin Caalamiya loona aqoonsaday inay gaar u noqoto Haween weynaha adduunka.

 

Ku simaha Madaxweynuhu waxa uu munaasibadda 8da March awgeed, Haweenka Somaliland u rajeeyey inay xuskan kiisa kale ku gaadhaan bash-bash, barwaaqo iyo nabadgelyo.

 

Dhambaalkiisan hambalyada ah, Madaxweyne ku xigeenku wuxuu ku sifeeyey haweenka laf-dhabar iyo xoog mug iyo miisaan ku leh nolosha bulshada, dib-u-dhiska iyo horumarka dalka.”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply