Weerar lagu Qaaday Cisbitaal Militari oo 30 Qof lagu Dilay

0
331

Dabley ku lebisan dharka dhakhaatiirta ayaa weeraray cisbitaalka ugu weyn ee militariga dalka Afghanistan.

Gudaha cisbitaalka waxaa ka dhacay dagaal aad u xoog badan, sida uu sheegay wasiirka difaaca ee dalkaasi.

Ugu yaraan 30 qof ayaa lagu soo warramayaa inay ku dhinteen, balse waxaa suuragal ah tirada dhimashada in  ay intaa ka badato.

Ciidamada komandoska Afghanistan ayaa diyaarad laga daadiyay, gudaha ayeyna u galeen cisbitaalka si ay mintidiinta ula dagaallamaan.

Ururka la baxay Khilaafada Islaamka ayaa sheegtay masuuliyadda weerarkaasi.

Madaxweynaha dalkaasi Ashraf Ghani wuxuu sheegay in weerarka lagu qaaday cisbitaalka uu yahay mid “halis gelinayo qiimaha nolosha aadanaha”.

“Dhammaan diimaha, cisbitaalka waxaa loo tixgeliyaa sida meel sharfan, in la weerarana waxay ka dhigan tahay in Afghanistan oo dhan la weeraray”, ayuu yidhi madaxweynaha.

Weerarka wuxuu ku bilowday qof isku qarxiyay albaabka dhanka koonfurta oo xiga safaaradda Mareykanka, ka dib seddax dabley ayaa gudaha u galay cisbitaalka.

Waxay galeen dabaqa labaad iyo midka seddaxaad ee cisbitaalka, waxayna billaabeen inay rasaas ku furaan dadkii gudaha ku jiray.

Dableyda waxay siteen hubka fudud ee darandooriga u dhaca iyo bambooyiin.

Mid ka mid ah shaqaalaha cisbitaalka oo ka soo baxsaday weerarka ayaa sheegay inuu arkay dableyda oo xidhan “dharka cad ee dhaqaatiirta, gacantana ku haysta AK47, dhinackastana rasaasta u ridaya.

“Waxay xabad ku ridayeen ilaalada, shaqaalaha, bukaanada iyo dhaqaatiirta”, ayuu yidhi.

Sida uu sheegay afhayeen u hadlay wasaaradda difaaca, mid ka mid ah dableyda waa la toogtay, labada kalena waxay isku qarinayeen jaranjarada iyo musqulaha.

Bukaanadii ku jiray cisbitaalka waxaa laga bixiyay albaabada loogu talagalay xaaladaha degdegga ah.

Ugu yaraan 60 qof ayaa sidoo kale weerarka ku dhaawacantay oo u badan shaqaalaha cisbitaalka, sida wasaaradda caafimaadka ee Afghanistan ay sheegtay.

Ku xigeenka hogaamiyaha ruuxiga ah ee Afghanistan Cabdalla Cabdalla ayaa sidoo kale cambaareeyay weerarka.

Wuxuu wacad ku maray “in loo aargudi doono dhiiga shacabka Afghanistan”.

 

Daacish waxay Afghanistan ka howlgaleysaa tan iyo 2015-kii, waxayna fulisay weeraro dhowr ah.

Waxay sheegatay weerar ismiidaamin ahaa oo ka dhacay maxkamadda sare ee Kabul oo lagu dilay 22 qof.

Kooxda gobolka ay ku xoog badan tahay oo lagu magacaabo Khorasan Province, wuxuu ku yaallaa xuduudda Afghanistan iyo Pakistan.

Labada dowladood ayaa sare u qaaday howlgallada ay halkaasi ka fulinayaan.

 

Leave a Reply