Denbiyada dilalka ah ee ka dhaca dunida ayaa keena inay ciidan aad ugu tababarni ay baadhis ku sameeyaan, laakiin waxa jirta kuwo lagu daallo oo marka danbe faylkooda la xidhi. Laakiin waxa yaab noqotay in dalal badan oo la waayay cidda fulisay ay dadkii geystaan qirtaan wakhtiga ay dhimanyaan. Arintaan ayaan ilaa hadda waxa keenaya aan la fahmin , Somaliduna waxay tidhaa “ Dhiigu isma qariyo”, waxase lagu soo ururiyay inay tahay marka qofku ogaado in aan loo ciqaabayn oo isagiiba uu jiifo sariirta geerida. Waxaana ay noqdeen denbiyo loo maaro waayay helitaankooda haddana si fudud ku soo baxay. Qisaskan Akhri.
Qisada 1aad : Islaantii Qiratay Dilka Filim Jile Caan Ah!
William wuxu aha ragii ugu badnaa ee jilayaasha ka ahaa filimada aamusan caana ku noqday oo la jeclaa. Waxaana maydkiisa la helay isagoo rasaas u dhintay, laakiin nasiib daro booliiska ayaanay awoodin inay helaan qofkii dhagar qabaha ahaa. Muddo 42 sano ka dib ayay islaan da’ ahi oo goblan a hi ayaa ka codsatay jaarkeeda inay u yimaadaan. Islaantan ayaa ahayd kuwa iyana filimada metela. Markii ay jaarkeedu u yimaadeen ayay u sheegtay inay ku jirto xaalad sakaraad ah waxaana aan idiin sheegayaa in ninkii filimada meteli jiray ee William Desmond aan anigu dilay. Hadda waxaan idiin sheegayaa inaan anigu dilay ma rabo sababta dilka inaan idiin sheego. William Desmond ahaa Irish ku dhashay Maraykanka waxaana uu jilaa ka ahaa 59 filim oo ah kuwa lagu magacaabo Silent Films ( Filimada aamusan).
Qisada 2aad : Warkan Waxay Bixisay Wax Yar Intii Aanay Naftu Ka Bixin!
Sanadki 2008 ayay qiratay inay ku dishay labada gabadhood ee ,” Constance “iyo” Caroline Glacier Park’s “, Bishii August 12, sanadkii 1967 , waxaana wakhtigaasi cadayd in dilka labada gabdhood si isku mid ah uu u dhacay, iyadoo rasaas loo adeegsaday. Daina ayaa sanadkaasi u guurtay magaalo kale waxayna guursatay nin ay u dhashay laba caruur ah. Qirashada denbiga warkan ayay bixisay wax yar ka hor intii aanay naftu ka bixin ka dib 41 sano oo ay qarinaysay oo laabteeda ku xafiday, haddase waxay goosatay inay cadayso, madaama ay dunida maca salaamaynayso.
Qisada 3 aad: Ninka Maraykanka ee lagu magacaabi jiray James Brower ayaa u baxsaday gobolka Tennessee sanaki i 1977, markii lagu tuhmay inuu dilay nin jaarkiisa oo la odhan jiray Jimmy Carroll. Waxaana uu nolol cusub ka bilaabay Oklahoma isagoo magaciisna bedelay oo la baxay mid cusub. Haddaba markii uu James uu ku dhuftay xanuunka Storke (dhiig karka), isagoo ku jira isbitaalka ayuu gabadhiisa si hoose ugu qirtay inuu dilay Jimmy, isagoo yidhi “ Waxaan doonayaa in la aqoonsado ninkaasi in aan anigu dilay ka hor inta aanan dhiman. Waxaana ay u sheegtay booliiska , waxay ahayd sir ku cuslayd damiirkiisa oo ku kaydsanayd muddo 30 sano ah, wakhtigan waxa dhamaatay inay ku sii jirto laabtiisa dunida ka sii libidhaysa.