Shil Gaadhi oo Dhimasho iyo Dhaawac Geystay oo ka Dhacay Gabiley

0
555

Gabiley(Dawan)- Alle ha u naxariistee waxaa shil gaadhi ku geeriyooday laba nin, laba kalena way ku dhaawacmeen ka dib markii  ay laba gaadhi isku dheceen deegaanka Carro  yaabmo ee duleedka Arabsiyo ee gobolka Gabiley.

Labada gaadhi ee shilka galey  oo kala ahaa Gaadhi Xamuul Shaamboo ah iyo gaadhi yar oo Fitis ah(Tukhaan), waxa labada qof ee    ku geeriyooday kala ahaayeen   Marxuum Maxamed Yuusuf Buux (Tooxiye) iyo Dheeg Magool Xoosh, waxaana ku dhaawacmay laba nin oo kale.

Labada Marxuum ee Geeriyooday iyo   labada dhaawacmayba waxay wada saarnaayeen gaadhiga yar ee Fitis-ka ah.

Taliyaha Qaybta  Booliska Gobolka Gabilay Gaashaanle Dhexe Axmed Maxamuud Guutaale oo   shilka dhimashada iyo dhaawaca  sababay ka hadlay ayaa ugu horrayn tacsi u diray ehelka qaraabada iyo asxaabtii ay ka bexeen labada Marxuum ee geeriyooday, waxaanu alle uga baryay in uu samir iyo iimaan saadiq ah ka siiyo, labada Marxuumna janadii Fardawsa ka waraabiyo.

Waxaa kale oo uu Taliyuhu sheegay in wadada shilalku ku badan yihiin isla markaana ay tahay Masiibo qaran oo maalin kasta dad ku dhimanayaan.

Waxaanu Taliye Guutaale intaa raaciyay in ay  ciidan booliis ahaan ay ka  hawl gelayaan sidii looga hor tegi lahaa halista shilalka gaadiidka,  isagoo digniin u diray dirawalada gaadiidka wada oo uu sheegay in tallaabo adag laga qaadi doono wadayaasha gaadiidka ee xawaaraha xad-dhaafka ah ku wada baabuurta ee dadka halliga.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply