Hargaysa(Dawan)- Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Md. C/raxmaan C/laahi Ismaacil (Saylici) iyo wefti uu hoggaaminayay, ayaa safar shaqo ugu kicitimay dalka Imaaraadka Carabta gaar ahaan Magaalada Dubai.
Waxa socdaalkan weftiga Madaxweyne Ku-xigeenka ku wehelinaya, Wasiirrada Arimaha Dibadda, Duulista, Qorshaynta, Hawlaha Guud, Gaashaandhiga, Xidhiidhka Golayaasha iyo Wasiir ku-xigeennada Madaxtooyada, Maaliyadda.
Madaxweyne Ku Xigeenka Jamuuriyada Somaliland oo ka hadlay ujeeddada safarkaasi, ayaa ku sheegay mid shaqo oo ay dhawar maalmood ku joogi doonaan Dubai; “Maanta (shalay) oo ay bishu ahayd 15/03/2017, Ilaahay ayaa mahad leh waxaannu aniga iyo weftigan ballaadhan ee Wasiirrada ahi waxaanu u baxaynaa shaqo qaran, oo aanu ku tagayno dalka isu-taga Imaaraadka Carabta, oo aanu haddii Alle yidhaahdo ku maqnaan doono muddo kooban oo aanu ku soo fulin doono hawl qaran,”ayuu yidhi Madaxweyne Ku-xigeenka oo warbaahinta la hadlay ka hor intii aanay ka dhoofin madaarka Cigaal ee Magaalada Hargeysa.
Weftigan ayaa lagu wadaa in ay dardargelin doonaan mashaariicda ay dhawaan ugu balan-qaaday dawladda Imaaraadku Somaliland iyo sidoo kale sii xoojinta xidhiidhka saaxibtinimo ee ka dhaxeeya labada dal iyo adkaynta Nabad-gelyada.
Dawannews Hargeisa office