Berbera(Dawan)- Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa soo afjartay khilaaf soo kala dhex galay shaqaalaha ka hawldgala Dekedda Berbera qayb ka mid ah iyo Shirkadda DP-World oo sababay in shaqaalahaasi ay shaqada joojiyaan oo ay sameeyaan muddaharaad cabasho ah ka dib markii khilaaf dhanka mushaharka ah ay isku qabteen shirkadda DP World ee maamusha marsadda.
Wasiirrada Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Maxamed Cabdilaahi Obsiiye iyo Ganacsiga Dr. Cumar Shacayb Maxamed iyo Maareeyaha Dekeda Berbera, Axmed Yuusuf Dirir oo shalay warbaahinta kula hadlay magaalada Berbera, ayaa sheegay in khilaafkii soo kala dhex galay Shirkadda DP-World iyo Shaqaalaha Dekeda Berbera in xukuumaddu ka hawl gashay isla markaana labada dhinacba ay dhegaysatay wixii ay ku kala cabanayeen is-fahamna laga gaadhay la iskuna raacay heshis ay labada dhanba ku qanceen.
Wasiirka wasaarada shaqada iyo arrimaha bulshada, Maxamed Cabdilaahi Obsiiye oo arrimahaas ka hadlayayna wuxuu yidhi, “Khilaafkii soo kala dhex galay shirkadda DP World iyo shaqaalaha dekedda Berbera si is afgarad ah ayaanu ku dhammaynay si aad iyo aad u wanaagsan ayaana layskula fahmay wixii lagu kala cabanayay,waxaanan shacbi weynaha Somaliland iyo shaqaalaha dekedda u caddaynaynaa in arrintaasi ku dhammaatay jawi is afgarad iyo in shaqadii dekedda halkeedii ka sii socoto.”
“Waasarad ahaan-na shaqaalaha rayidka ah ee dekedda Berbera ka hawl xil baa naga saaran in aan ilaalinno xuquuqdooda iyo waxa ay ka cabanayaan iyo heshiiska ay wada gelayaan shirkadda Dp World,”ayuu yidhi Wasiirka Shaqadu.
Wasiirka Ganacsiga iyo Maalgashiga caalamiga ah, Dr. Cumar Shucayb Maxamed, ayaa tilmaamay in ay lagama maarmaan tahay in aan la joojin shaqada Dekedda isla markaana loo baahan yahay wixii cabasho ah ee soo kordha in laga wada hadlo.
“Maanta (shalay) waxa noo farxad ah in aannu soo afjarno arrintii u dhaxaysay shirkadda DP World iyo shaqaalaha dekedda Berbera dekeduna in badan ayay soo shaqaynaysay waxaana timid shirkad cusub,waa wax adduunyada ka dhaca waanan qaadanay in aanu qaladka lahayn wixii dhammaystir u baahanaa waanu dhammaystiraynaa cid kastoo ka soo shaqaysay hawshan aad baan ugu mahadnaqayaa, waxaanan leeyahay shaqadu waa innoo muhiim, waana in aan la joojin shaqada dekedda. waayo waa dhuuntii dalka wax u soo marayeen guddi ayaana loo sameeyay wixii cabasho ah oo lagala xidhiidhayaa. shaqaaluhuna yaanay u qaadanin in ajaanib maamulayaan shirkadda DP World xukuumadda ayaa heshiis la gashay shaqaaluhuna xuquuqdooda way leeyihiin,”ayuu yidhi Wasiirka Ganacsigu.
Mareeyaha dekedda Berbera, Axmed Yuusuf Dirir, ayaa isna dhinaciisa sheegay in khilaafkaasi uu dhammaaday isla markaana si wanaagsan oo dhinac waliba uu ku qancay in la isu fahmay,waxaannu yidhi “Waxa isfaham buuxa laga gaadhay khilaafkii soo kala dhex galay Shaqaalaha Dekedda iyo shirkadda gacanta ku haysa maamulka Dekeda ee DP World. khilaafkaas oo sababay in shaqadii istaagto arrintaasi markay dhacday xukuumaddu waxay go’aamisay in guddi ka kooban 8 qof oo shaqaalaha dekedda ee joogtada ah iyo kuwa muruqmaalka ahi kala xaajoodaan oo la dhegaysto waxay ka cabanayaan,xukuumadda iyo shirkadda DP world madaxdeedii iyo guddidii ka socotay shaqaalaha dekedda Berbera iyo wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada ayaa waxay dhegaysteen labada dhinac wixii ay ku cabanayeen.”
Dawannews Hargeisa office