Baraha Bulshada oo loogu Baaqay Wax ka qabashada Fariimaha Xagjiriinta

0
280

Wasiiro ka tirsan dowladda Ingiriiska  ayaa ka hadlay weerarkii lagu qaaday xarunta baarlamaanka ee Westminster, ayaa sheegay in shirkadaha leh baraha bulshada looga baahan yahay in ay ka shaqeeyaan sidii looga hortagi lahaa argagixisada iyo xagjirnimada.

Xoghayaha arrimaha gudaha, Amber Rudd, oo maqaal ku qortay wargeyska Sunday Telegraph ayaa sheegtay in ay ka codsanayso shirkadaha sida Google, Twitter iyo Facebook in ay gacan weyn ka geystaan xakameynta fariimaha ay gudbiyaan kooxaha xagjirka ah.

Waxaa la filayaa in ay todobaadkan la kulanto madaxda shirkadahaasi.

Xoghayaha arrimaha dibedda ee Britain, Boris Johnson, oo isna maqaal ku qoray Sunday Times ayaa ugu baaqay shirkadaha internet-ka in ay sameeyaan tiknoolajiyad lagu ogaan karo, isla markaana meesha looga saari karo fariimaha xagjirnimada abuura.

Baaqyadan ayaa ku soo beegmaya ka dib weerarkii argagixiso ee uu nin lagu magacaabay Khalid Mascuud Arbacadii lasoo dhaafay ka geystay agagaarka baarlamaanka.

Guud ahaan shan qof oo uu ka mid yahay Khalid ayaa ku dhintay weerarkaasi, waxaana ku dhaawacmay 50 kale.

Horraantii bishan, madaxa shirkadda Google u qaabilsan Yurub, Matthew Brittin, ayaa raali-gelin bixiyay ka dib markii xayaysiino ay leeyihiin shirkado waaweyn iyo hay’ado dowli ah lagu arkay bog ay koox xagjir ah ku leedahay YouTube.

Mr Brittin ayaa ballanqaaday in dib u eegis lagu samayn doono siyaasadaha u yaalla Google.

Leave a Reply