Boqolaal ku Dhimatay Duqeymaha Cirka ah ee Ciraaq

0
264

Isbahaysiga Milateri ee uu hoggaamiyo Maraykanku ayaa weeraro xagga cirka ah ku qaaday Mosul, waxaana goobjoogayaal ay sheegeen in weeraradaas ay ku dhinteen in ka badan 100 rayid ah.

Hawlgalkan ayaa ciidamadani rabaan inay magaalada Mosul ka qabsadaan kooxda ISIS.

Mosul

Dhinaca kale Milatariga Mareykanka ayaa sheegay inuu furay baadhis ku saabsan dad rayid ah oo ku dhintay 17-kii bishan weerar ay diyaaradaha Is-bahaysiga Maraykanka horkacayaa duqeeyeen deegaan ku yaal galbeedka Mosul oo dad badan oo shicib ah lagu dilay.

Saraakiil ka tirsan dawladda Ciraq ayaa sheegay in maalmihii la soo dhaafay duqeyntaasi ay dishay shicib badan. Shacabka Mosul deganna waxay tirada ku sheegayaan ilaa 200 qof oo dhintay.

Duqeynta ayaa ahayd mid aan marnaba joogsan iyada oo Milateriga Ciraaq u dagaalamayaan siddii ay dib ugu qabsan lahaayeen galbeedka Mosul oo ay iminka gacanta ku hayaan maleeshiyada kooxda isku magacwday dowladda islaamka.

Warar kale oo deegaanka ka soo baxaya ayaa sheegaya in agagaarkaas laftiisa uu ka dhacay qarax xooggan oo uu geystay gaadhi waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyey kaas oo ay diyaariyeen kooxda ISIS, waxaana dadka qaarkood ay leeyihiin inay suurogal tahay in gaadhigaasi uu sababay khasaarahan rayidka.

Leave a Reply