KULMIYE oo Sharci Darro ku Sheegay Dacwad Xisbiga UCID ka Gudbiyay Laba Maayar

0
287

Hargeysa(Dawan)- Guddoomiyaha Golaha Dhexe ee Xisbal Xaakimka KULMIYE,  Jaamac Ismaaciil Cigge (Jaamac Shabeel), ayaa jawaab ka bixiyay dacwad Xisbiga mucaaridka ah ee UCID uu ka gudbiyay maayarrada  magaalooyinka Berbera Cabdishakuur Maxamuud Ciddin iyo Gabiley Maxamed-ammin Cabdi Cumar oo markii hore ka soo baxay Xisbiga UCID balse ka baxay kuna biiray xisbal xaakimka Somaliland ee KULMIYE.

 

Waxa uu   tilmaamay in dacwadda labada Maayar ay ka gudbiyeen Xisbiga  UCID in aanay sharci ahayn  oo aanay jirin sharciyad ay u haystaan in ay dacwad ka gudbiyaan masuuliyiintaas.

Waxaa kaloo  uu sheegay in labada Maayar aanay ugu horrayn xildhibaanno ka baxa UCID, laakiin ay jiraan mudaneyaal ka tirsan golaha Wakiillada iyo goleyaasha deegaannada dalka oo hore uga baxay wax dacwad ah oo ay ka gudbiyeenna aanay jirin.

 

“Horta maaha markii ugu horraysay ee UCID laga baxo, waxaa hore uga baxay xildhibaanno ka tirsan Golaha Wakiillada oo uu ka mid yahay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada oo Cabdiraxmaan Cirro oo maantana  xisbi qaran Guddoomiye ka ah oo murrashax Madaxweyne ah oo tartamaya,markaa uu ka baxayna waliba sharcigu wuxuu dhigayay in aan xildhibaanku ka bixi karin xisbigiisa  cid haysata iyo dacwad laga gudbiyayna ma jirto.

Waxaa kaloo  hore uga baxay xildhibaanno badan oo kale oo ka tegay UCID ciddina may dacwayn. markaa waxaanu u aragnaa   waxay labada maayar ku haystaan inay tahay maag iyo gardarro ah maxaad KULMIYE ugu biirteen, laakiin meel ay sharci ka tahay dacwaddaasi oo ay u cuskanayaan ma jirto. markaa waxay ahayd in ay iska aamusaan oo ay sidii kuwi hore uga baxeen ay uga aamuseen in ay uga aamusaan,”ayuu yidhi Jaamac Shabeel oo u waramay qaar ka mid ah warbaahinta shalay.

 

Dhinaca kale dacwada Xisbiga UCID ka gudbiyay xildhibaabnada goleyaasha deegaanka ee xisbiga ka baxayay ayay dhegaysigeeda ay gudogaleen Guddiga Diiwaan-gelinta ururrada iyo ansixinta asxaabta qaranka.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply