Diyaaradda Ugu Dheeraysa Caalamka Oo Lasoo Bandhigay

0
295

Diyaaradda ugu dheeraysa caalamka ayaa noqotay diyaarad ay lee dahay shirkadda Boom oo laga lee yahay wadanka Maraykanka, waxaanay ku sheegeen warbixin ay soo saareen inay waqti yar awoodo diyaaraddoodu inay ku gaadho magaalooyin kala fog.

Warbixintan oo uu qoray wargeyska Washington Post oo uu wargeyska Dawan kazoo xigtay ayaa waxa qoray Blake Scholl oo ah madaxa shirkadaasi, waxaanu sheegay inay diyaaradohoodu sannadkan noqdeen kuwa ugu dheereeya.

Waxa uu intaasi uu ku daray in codsi badan oo caalamka uga yimid dartiis  inay wadaan qaabaynta diyaarad cusub oo nooceedu yahay XP-1, waxaanu intaasi ku daray inay ku bixi doonto lacag dhan ilaa $41 million oo Dollar.

Diyaaradan ay wadaan ayaa noqon doonta mid u gaar ah dhinaca ganacsiga, iyada oo u kala gudbin doonta ganacsigaasi qaaraddaha kala duwan ee caalamka, sida uu sheegay mr Blake.

Haddii shirkaddu ku guulaysato samayna diyaaradan Ganacsiga oo iyaduna noqon doonta mid ka dheerayn doonta kuwa hadda ay isticmaasho , waxa ay saamayn weyn ku yeelan doontaa duulimaadyada caalamka, iyada oo ka sarayn doona xawaare ahaan diyaaradda la odhan jiray Concorde oo la joojiyey sannadkii 2013 kii.

Diyaaraddaha shirkaddan ayaa ku duula 1.2 xawaare ah, iyada oo diyaaraddiiba saacaddo ku jarta masaafo dhan ilaa 2335/km, waxaanay diyaaraddani ku duuli doonaa  2.2 xawaare ah , iyada oo saacaddo yar ku gaadhi doonta magaalooyin kala duwan.

Magaalooyinka New York iyo London ayay ku gaadhi doontaa 3.5 saacadood .

 

 

Leave a Reply