Switzerland oo Adeegyada Caafimaadka u Adeegsanaysa Diyaaraddo Drones ah

0
274

Laba cisbitaal oo ku yaala dalkaasi Switzerland ayaa bilaabay inay adeegyadooda caafimaad u adeegsadaan diyaaraddaha aan cidi wadin ee Drones ka loo yaqaano, kuwaas oo isaga gudbi doona goobaha caafimaadka ee ay ka hawl geliyaan iyo xarumohooda.

Waxaanay diyaaradahani qaadi doonaa dhiigaga iyo dawooyinka, iyaga oo geyn doona goobaha laababka ah ee lagu baadhaayo iyo goobaha Farmasiiyadda ah ee dawooyinka lagu iibiyo.

Khubaro u hadlay cisbitaaladan oo u waramaayey wargeyska Telegraph oo uu qormadan kazoo xigtay wargeyska Dawan ayaa sheegay in xaaladaha deg dega ah ay u fiican tahay diyaaraddani, iyada oo waqti yar oo kooban lagu geynaayo alaabooyinkaasi meeshii loogu talo galay.

Waxa ay sheegeen inay diyaaradani ka caawin doonto dawooyinka iyo dhiigaga oo xaaladaha qaar ay si deg deg ah ugu baahan yihiin, gaar ahaana markay meelaha cisbitaalada ka fog joogaan.

Qaliinada ayay sheegeen in sidoo kale aad loogu isticmaalaayo , madaama oo dhiiga iyo dawooyinkuba xaaladaasi yihiin kuwo aad loogu baahan yahay.

Dawlada Switzerland ayaa iyaduna tijaabo ku samaysay diyaarad Drone  ah , iyada oo lagu qaaday dhiig iyo kaadi, iyada oo loo kala gudbinaayey cisbitaalada magaalooyinka Lugano iyo Canton .

Waxaanay diyaaradahan yar yari yihiin kuwo aad u dheeraynaaya , iyaga oo saacaddii jaraaya masaafo dhan ilaa 36 km,waxaanay sidoo kale qaadayaan culays dhan ilaa 1 kg.

 

Leave a Reply