Dibedbaxyo lagu Diidan yahay Madaxweyne Zuma

0
268

Muddaaharaadyo ayaa ka dhacay magaalooyin ku yaalla Koonfur Afrika oo looga dalbanayo madaxweyne Jacob Zuma inuu is casilo. Muddaaharaadyadaasi waxay ka socdaan magaalooyin ay ka mid yihiin Cape Town, Durban iyo caasimadda Pretoria.

Dibedbaxyadan ayaa yimid ka dib markii uu madaxweyne Zuma xilka ka qaaday wasiirkiisa maaliyadda.

Tallaabadaasi ayaa cadaadis ku sii kordhisay dhaqaalaha dalkaasi oo markii horeba sii liicayay.

Balse taageerayaasha madaxweyne Zuma ayaa sidoo kale soo qabanqaabiyay dibedbaxyo ay ku taageersan yihiin madaxweynaha.

Zuma ayaa isbuucan ka badbaaday baaq ka soo yeedhayay kooxo awood badan oo xidhiidh la leh xisbiga talada dalkaasi haya ee ANC. Waxay ku baaqayeen in madaxweynuhu uu xilka ka dego.

Magaalada Johannesburg, booliis badan ayaa waddooyinka la soo dhoobay iyadoo dibadbaxayaasha ay isku dayayaan inay socod ku gaadhaan xarunta xisbiga ANC ee magaaladaasi.

Warbaahinta maxaliga ah ayaa ku warrantay in booliska ay isticmaaleen qiiqa dadka ka ilmeysiiyo si ay u kala eryaan dibadbaxayaal isugu soo baxay xaafad ku taalla magaalada Johannesburg.

Durban

Dowladda oo ku baaqday in si nabdoon banaanbaxyadani loo qabto, ayaa waxa ay sidoo kale xasuusisay dibedbaxayaasha in sharciga uu sidoo kale ”difaacayo xuquuqda kuwa doorbiday inaysan ka qeybqaadan muddaaharaadyada”.

Leave a Reply