Golaha Amaanka oo Cambaareeyey Kuuriyada Waqooyi

0
249

Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa si xoog leh u cambaareeyey tallaabadi ay Kuuriyada Waqooyi todobaadkan ku tijaabisay gantaal noociisu ahaa ballistic.

Bayaan ka soo baxay Khamiistii ayuu Goluhu ku sheegay inuu ka walaacsanyahay dabeecadaha ku dhisan wax kharribaadda iyo daandaansiga ee xakuumadda Pyongyang.

Goor  Khamiistii ah Midowga Yurub ayaa ku soo rogay Kuuriyada Waqooyi cunaqabateyn cusub, taasoo ay uga aargoosanayo tijaabooyinka isdaba jooga ah ee ay dhawaan Kuuriyada Waqooyi ku tijaabisay gantaalada niyukleerka iyo kuwa balistikada, gaar ahaan kii ugu danbeeyey ee ay ku tuurtay badda Jabaan Arbacadi.

Midowga Yurub ayaa weydiistay Kuuuriyada Waqooyi in ay qaboojiso daandaansiga ay wado isla markaana ay ka baxdo dhamaan barnaamijyada niyukleerka.

 

Leave a Reply